Weli Ma Is Weydiisay Sababta Dadka Shaqadooda Sida Ugu Fiican Uga Soo Baxaa Aan Loo Dallacsiin?!

0
732

Hargeysa (Geeska)- Maskaxdaada, itaalkaaga iyo waqtigaaga midna ma hagratid ee si dadaal leh ayaa aad uga shaqaysaa sidii aad u gaadhi lahayd in waajibaadkaaga shaqo iyo guud ahaan meesha aad ka shaqaysaaba guulaystaan, waxaaba laga yaabaa in ay kula gaadho in asxaabtaada aad waqti u weydo ama xataa cuntada aad haleeli weydo, taasna aad ku kasbato qaddarinta maamulaha iyo mulkiilaha shaqada aad hayso. Laakiin haddana iyada oo aad heerkaa marayso aanad mar keliye ku guulaysan in shaqada lagu dallacsiiyo sida dadka kale. Talow maxaa dhacay?!! Xeel-dheerayaal caan ah oo arrintan kaga faallooday bar-kulanka bulsho ee LinedIn oo arrimaha shaqada iyo shaqaalaha lagu gorfeeyo ayaa sheegay in dadaalka dheeraadka ah iyo is taxalluujinta badan ee shaqada la geliyaa ay qofka shaqaalaha ah mararka qaarkood ku keento raad taban. Haddaba qoraalkeenan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xiganayo shabakadda LinkedIn waxa aynu ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah khubarada arrintan ka faallootay:

Maxay maamulayaashu u dallacsiinwaayeen shaqaalahooda dadaalka badan?

Khabiir magaciisa lagu soo gaabiyey Sundar ayaa qoray, “Miyaad tahay ruux shaqadiisa aad ugu dadaala? Haddii aad tahay waxaa laga yaabaa in aad aad uga calool xuntay adiga oo is arkay in aan laguugu abaal marin dallacsiin. Dadka dadaalka badani saacado badan ayaa ay shaqeeyaan. Waajibaad badan ayaa ay qabtaan, laakiin cidi ma’abaal mariso. Sababtuna waa in ay inta badan isku mashquuliyaan uun sidii ay ugu fiicnaan lahaayeen in ay waajibaadkooda shaqo gutaan, laakiin aanay ku fikirin in ay horumar kale ku soo kordhiyaan, u fikiraa in ay jid kan ka hore ka duwan u maraan, kana shaqeeyaan in ay shirkaddu shaqadan ay qabanaan ku gaadho hadafkeeda guud.

Khabiirkani isaga oo sii sharraxaya arrintan oo laga yaabo in aanay dad badani fahmin, waxa uu yidhi, “Waxaa laga yaabaa in aanay qofna maskaxdiisa ku soo dhicin in labadaas arrimood ay kala duwan yihiin, laakiin aynu kala saarno: Dadka gudashada waajibaadkooda shaqo fiican ee dallacsiinta mudani waa kuwa garanaya marka ay tahay in ay shaqada dadaal iyo tamar weyn geliyaan, marka ay tahay in ay sugaan iyo marka ay tahay in ay wax ka beddelaan jidkii ay ku socdeen. Waa dad ay suurtogal u tahay in ay shirkadda ka caawiyaan in ay gaadho hiigsigeeda oo ay dariiqooyin kala duwan u soo mariyaan, iyo in ay xataa maraan jidad aan marka hore maskaxda ku soo dhacayn oo fududaynaya in shirkaddu ay gaadho yoolkeeda. … laakiin dadka shaqadooda uun ku fiicani, waa dad aad u dadaal iyo hawlqabad badan, laakiin waxa uun ay ka shaqeeyaan in ay guul ka gaadhaan waajibaad xaddidan iyaga oo ku socda xeerar iyo dariiq xaddidan oo loo dhigay. Waxa ay waqtigooda iyo maskaxdooda oo dhan isugu geeyaan in ay shaqadaas loo xaddiday ka qabtaan inta ugu badan ee suurtogal u ah”. Farqiga u dhexeeya labadaas qof oo labadaba ay karti badani ku jirtaa waa in midkood uu keenayo guul waqtiga dhow anfacda shirkadda, midna natiijada shaqadiisu ay tahay mid muddo dheer shirkaddu ku tamarinayso.