Xildhibaano Sharci Darro Ku Tilmaamay Ciidamada Gaark Ah Ee Loo Tababarayo Ilaalinta Shidaal Badhista, Kana Digay Inay Sababi Karaan Dagaalo Sokeeye

0
576

Picture7Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan  Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), iyo Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaaa sharci daro ku tilmaamay Digreetadii uu Madaxweynuhu ka soo saaray Ciidamada loo tababarayo ilaalinta Shirkadaha sahaminta Shidaalka, waxayna sheegeen in Ciidamadani Sharciga iyo Dastuurka Somaliland meelna ka soo galin, khaladna ay tahay in la sameeyo.

Xildhibaanadan ayaa iyaga oo si wada jir ah Wargeyska Geeska Afrika ugu waramay waxa ay sheegeen in Ciidamadani ay horseedi doonaan dagaalo sukeeyo oo dalka ka qarxa,waxayna xuseen in Ciidamadani aanay xukumi doonin isla markaana aanay amar ka qaadan doonin Xukuumadda, ee ay hoos tagi doonaan oo Musharkooda iyo amarkaba ay ka qaadan doonaan Shirkadaha Shidaalka.  

Xildhibaan  Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ah Guddoomiyaha Guddida kheyraadka dalka ayaa isagu ugu horeyn wareysigan aanu la yeelanay ka hadlaya ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumaddu ay Sharcigii dalka jabisay, sida ay doontana u isticmaashay, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay  “Waxa aan doonaya inaan ka hadlo arintan cakiran ee Maalin walba Xukuumaddu sii kordhinayso Sharci jabinta, Saddex cisho ka hor waxa uu Madaxweynuhu digreeto Madaxweyne uu ku soo saaray Ciidamo uu sheegay inay ilaalinayaan Sahaminta Shidaalka, isla sahaminta Shidaalka waxa ka jiray muran badan, oo waa tii markii hore Shirkadii Shidaal baadhistu ay ka baxday, Shirkado badan oo kalena waxa lala galay heshiiyo, iyada oo Barlamaanka aan la hor keenin heshiisyadaas sida uu Dastuurku dhigayo, iyada oo taasi jirto, khilaafyo caalamiyana ay jiraan, ayaa waxa uu haddana uu Madaxweynuhu digreeto uu ku aasaasay Ciidamo uu yidhi waxa ay ilaalinayaan baadhista Shidaalka, waxayna arintaasi ka mid tahay Sharci jabintii ay Xukuumaddani caadada ka dhigatay, oo ay ugu dambaysay iyada oo aan la ansixin xeerkii Diiwaangelinta ay Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu is raaceen ay qaateen waxa aynu garan wynay, oo ceeb iyo fashilaadi ka timid, mar haddii Shirkadihii Shidaalka heshiisyadii lala galay aan Barlamaanka la hor keenin, xeerna jirin, ayaa iyaga oo markii hore sharci daro ahaa, ayaa Ciidamadana noqonayaan Sharci daro Sharci daro sii fuushay,sida darteed waxa aan leeyahay dadka yaan khalkhal lagu abuurin, waana Nabadgeliyo daro ay Xukuumaddu wado, wixii iyaga la yeelana waa wax sharci daro sameeyeen ku gaadhay”

Xildhibaan SIciid isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan leeyahay haddii aad tihiin Xukuumadda yaanay idiin muuqanin lacagta yar ee aad guranaysaan, wax walba haddii aad ku jabisaan lacag yar oo aad guranaysaan dawladnimadii ayaa meesha ka baxaysa. Anigu waxa aan qaba waxa wax lagu yahay Sharciga iyo dawladnimada, Wasiiranaa noqon maysaan ,madaxweynana noqon maysaan, Nin walbana waxa uu ahaa ayuu noqonayaa, waxaana leeyahay Xukuumadda Sharciga ku soo noqda, oo ka daaya Kufsiga aad maalin walba Sharciga kufsanaysaan” 

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo isaguna ah Guddoomiyaha Gudida Arimaha Guddaha iyo Amniga oo isaguna sharci daro ku tilmaamay Ciidamada loo tababarayo Shirkadaha Shidaal baadhista ayaa yidhi    “Ciidamaada OPU-ga, ee la sheegayo inuu Madaxweynuhu aasaasay,marka hore waa Ciidamo Sharci daro ah, waxa alaale waxa aasaas ah oo sharciya oo ay leeyihiin ma jirto,marka xiga Guddidayda arrimaha guddaha iyo amniga waxa talo ah oo lagana weydiiyey ma jirto, wax aanu kala socono iyo wax aanu  ka ognahay ma jirto, wax alaale wax guud ahaan Barlamaanka laga weydiiyay ma jirto, oo dawladdu ugu baahatay ma jirto, waxaana waajib ah in marka la qaadayo talaabooyinka noocaasa in Xukuumaddu Barlamaanka ogolaansho ka hesho, haddii aanu Barlamaanku ogolaana Siyaasada Xukuumaddu maaha mid Siyaasad sharciya”.

Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “CIidamada ilaalinaya Shirkadaha Shidaalku, waa Ciidamo ay iska leeyihiin  Shirkadaha Batroolku, maxa yeelay Lacagta Shirkadaha Batroolka ayaa bixinaya, 25-million oo Dollar ayey bixiyeen,waxayna ugu talageen Ciidamada tababarkooda iyo qoristooda, oo xitaa Musharkooda iyaga ayaa bixin doona, amarkoodana waxa yeelan doona Shirkadaha, dalkana waa ka mamnuuc Ciidan hubaysan oo ka shaqeeya oo aan Ciidamada Qaranka ahayn, oo aan sidoo kale hoos iman Sharciga dalka iyo Dastuurka dalka iyo Barlamaanka dalka,waxa iman doona Ciidamada loo yaqaano Calooshooda u shaqaystayaal, oo dibada laga soo kiraysto, oo Ciidamada la sheegayo xukumi doona, haysan doona, hawl geli doona, amri doona, taabari doonana, wey ka dhacday Puntland waxa ay ku dambaysayna waa la ogaa, Caalamkuna ma ogala, maxa yeelay waa arin lidi ku ah Sharciga Caalamku in Shirkadahaas Lacagta fara badan haystaa in intay Ciidamo sameeystaan inay dalalka qabsadaan, oo bari hore ayey dhulka qabsan lahaayeen”.

Xildhibaan Rayte isaga oo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi “Dadka arinkan dabada ka wadaana dad Somaliland u tudhaya maaha, Ciidamadan waxa loo sameeysanaya dadka degan Somaliland, Deeganada ay dadku degan yihiin ee ay ku dhaqdaan Xoolaha ku dhaqdaan, ee la lleeyahay Batrool ayaa laga baadhaya, inkasta oo tuhun fara badani igu jiro haddana ayaa wax yaabo badan oo kale ayaa ku jira, hawlaha Batroolka Wasiirka Macdanta iyo  Madaxtooyada ayaa hawlaha Badiroolka oo dhami  ay ku eeg yihiin,Xukuumaddu war kama hayso, Barlamaanku kuma hayo, Wasiirada kale war kama hayaan, arimaha kheyraadka dalkuna maaha wax in yari ka taliso, waa arin Ubadkeena iyo Ubadka ka dambeeya iyo kuwa ka sii danbeeya ay leeyihiin, maaha arin Wasiir yar iyo Inan yari ay go’aano ka gaadhi karaan”.

Xildhibaan Rayte mar uu ka hadlaayey Shirkadaha Shidaalka iyo Sharciga dalka waxa uu yidhi “Wax alaale wax Sharciya iyo Liisan la siiyey Shirkadaha Shidaalku ma jiraan, ilaa Barlamaanka laga ansixiyaana heshiiskaasi ma noqonayo mid sharciya, Shirkadaha Shidaalkuna waxa aan filaya inay arintaas og yihiin, in qaabka ay u wadaan aanu ahayn   qaabkii sharciga ahaa, ilaa hadda Wasiirku waxa uu haystaa Sharcigii Batroolka, Ciidamana wuu qoronayaa, Liisamana waa uu bixiyey, Shirkadana wuu u yeedhay, meesha uu awoodaha iintaas leeg uu ka keenay iyo cida u fasaxday iyo cida u ogalaatay iyo waxa uu ku saleeynayo go’aanadiisa garan mayno, lacagaha halkaas ka soo galay halka ay ku dambeeyaana garan mayno”.

Xildhibaan Rayte wuxuu sheegay in heshiisyada shirkadaha lala galay yihiin kuwo qarsoodi ah, waxaanu yidhi  “Heshiiskani waa qarsoodi, oo Wasiirka Macdanta oo qudha ayaa  og, Umad iyo Wadan dhan oo la leeyahay Nin qudha ayaa heshiska og lama arag Adduunyada, imika ma joogno wakhtigii Shidaalka laga helay Sucuudiga iyo Iran iyo sidoo kale Dawladihii badawda ahaa, ee Boqortooyada ahaa, waxaynu joognaa Caalam casirya, waxana sida ay u dhaqmayaan, maaha wax la aqbali karo,qiyaastii in ku dhaw Boqolkiiba Todobaatan 70%, ayuu Wasiirku bixiyey, inkasta oo aan ilaa hadda waxba laga qaban, haddana kiro ayaa ku socota, waayo waxa qoraya Nidaamkii hore ee laga dhaxlay Siyaasad Bare, kiraduna waxa ay ku saleeysan tahay KM, oo lacag ayey ku qiimaysan yihiin, Lacagtaasna Sannadkii waxa ay noqonaysaa Malaayiin doolar, lacgtaas yaa haya, halkee lagu shubaa, waxaas oo dhan oo dhiman ayaa la leeyahay Ciidamo ayaa la sameeynaya, Ciidamadaas loo sameeysan maayo cid dibada inagaga imanaysa, ee waxa loo sameeynaya Shacabka reer Somaliland, Ciidamadana gaarka ahina waa Muftaaxii lagu furaayey Dagaal sukeeye oo cusub, cida ka talisay iyo cida wada waa cid aan dan ka lahayn waxa ka iman doona  waxyaabaha noocaas ah, waxaana leeyahay ha la joojiyo qandaraasyada yar yar ee hunguriga ah ee lala ordaayo ee Madaxtooyada agteeda iyo hareeraheeda lagu bxinaayo,yaana loo faruur xidhin danihii Istaartijiga ahaa ee Umadda cid gaar ah”.

Xildhibaan Rayte oo ka hadlaya dhibaatada ay Ciidamadani soo gaadhsiin karaan Shacabka ayaa yidhi “Dadkeenu waa dad reer miya, waa maxay ujeedada loo sameeynayo Ciidamadan, Shirkada General Engery hore ayey u timid Caynaba iyo Saraar, Lacagtii loogu talagalay in dadka ceelal loogu qado, Iskuulo loogu sameeyo, oo goobo Caafimaad loogu sameeyo, oo markii hore Shirkadu lacagta cadadkeeda sheegtay, waxa loo dhiibay ayaa la yidhi Wasiirka Macdanta, dadkuna waxa ay ka xanaaqeen in Shirkadu waxa ay balanqaaday in inta aanay waxba qaban bixiso markii ay ka waayeen, halkaasna khilaaf ayaa ka abuurmay, Shirkadii wey soo baxday, markaas Shirkadii waxa ay doonaysaa inay ku noqoto iyada oo Ciidamo wadata, waxayna Ciidamada u wadata inay ka rarto dadku halkii ay Xoolaha daaqsanayeen, waxa markaas iman karaana waa la garanayaa.” Xildhibaan Rayte oo ka hadlaya heshiiska Shirkadaha lala galay ayaa yidhi “Anigu ma qabo in Shirkadahan heshiis lala galay, marka Shirkad lala heshiinayo in Bulshadu la heshiisa, ma Nin Wasiir ah ayaa inta uu duulo oo uu London tago heshiis la galaya, waa heshiis ku siman konton ilaa lixdan sanno, waa heshiis dhinac walba leh, waa in Barlamaanku og yahay, waa in Golaha Wasiiradu ka doodaan, waa in khubaro ku jiraan, dadkuna deegamada ay degan yihiin, ciidan looma kaxaysan karo, lama joojubi karo, cidii isku daydaana waxa ay hesho ayey leedahay”.