Kiriimada Iyo Cadarrada Ay Hooyada Uurka Lihi Marsataa Waxa Ay Xiiq Ku Keeni Karaan Ilmaha Caloosha Ku Jira

0
625

Picture8Washington (Geeska)- Dumarka oo xilliga ay uurka leeyihiin isticmaala cadarrada iyo walxaha la isku qurxiya (Sida Kiriimada iyo bootarrada iwm) waxa ay khatar ku tahay caafimaadka ilmaha caloosha ku jira; sidaas waxaa ka marag kacday cilmibaadhis cusub oo dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka, taas oo si gaar ah u tilmaamtay in hooyada uurka lihi haddii ay isticmaasho cadarrada iyo kiriimada kiimikada ahi ay kor u qaadayso khatarta ah in ilmaheeda caloosha ku jiraa uu qaado cudurka xiiqda.

Baadhitaankan oo lagu sameeyey kaadida hooyooyin isticmaala cadarradan iyo kiriimadan oo inta badan la falgala jidhka ayaa lagu ogaaday in hooyooyinka kaadidooda laga helay raadka kiriimada, cadarrada iyo waxyaabaha la mid ah ee is qurxinta loo marsado ay u boqolkiiba 75 u dhow dahay in ilmaha calooshooda ku jiraa u uqaado xiiq, sababtuna ay tahay maaddooyinka kiimikada ah ee ku jira walxahan oo gaadha ilmo-galeenka oo uu ku jiro ilmaha oo weli maraya marxaladihii bilowga abuurka. Maaddooyinkan kiimikada ahi marka ay gaadhaan jidhka ilmaha waxa ay ku dhaliyaan xasaasiyad keenta xiiqdan oo laga yaabo in ay carruurnimadaba ku bilaabato.

Ugu dambayntiina xeel-dheerayaasha cilmi baadhistan sameeyey waxa ay hooyada uurka leh u soo jeediyeen tiro talooyin ah oo ay ilmahooda caloosha ku jira kaga ilaalin karaan xiiqda, kuwaas oo ah:

– Xilliga uurka iska jir in aad isticmaasho cadarrada urta xooggan leh.

– Hooyada uurka lihi waa in ay aad u isticmaasho ma joogtayso isticmaalka kiriimada, bootarrada iyo guud ahaan walxaha la isku qurxiyo.

– Hooyada uurka lihi cuntooyinka ay dhiganayso waa in aanay ku dhigan ama ku soo qaadan weel caag ah, balse waa in ay isticmaashaa quraarad iwm. Sidoo kale hooyada uurka lihi waa in ay iska ilaalisaa in cuntada aanay cuntada ku ridin weelka caagga ah, marka ay ku diirinayso (Kululaynayso) mishiinka (Kululeeyaha laydka ku shaqeeya ee loo yaqaanno Microwave). Guud ahaanba khubarada caafimaadku waxa ay marar badan oo kala duwan ka digeen in cuntada lagu dhigto ama qaato weelka caagga ah.

– Hooyada uurka lihi waa in ay iska ilaalisaa isticmaalka cadarrada hawada lagu udgooneeyo ee afka qalaad lagu yidhaahdo (Air Fresh iwm).