Weli Ma Is-Weydiisay Sababta Ay Dad Badani U Jecel Yihiin Daawashada Filimmada Cabsida Ah (Khaakhda)?

0
709

Daraasad cusub ayaa daahfurtay in daawashada filimmada casbida leh ee ay dhalinyaradu Khaakh ku magacowdaa ay keento in uu dhiiggu xinjoroobo, haddii la joogteeana ay uu ka qayb qaato in qofka uu ku dhaco dhiig-guntan ama xididdada dhiiggu xidhmaan iyo weliba dhibaatooyin kale oo caafimaadka la xidhiidha. Marka aynu intan sheegno waxaa laga yaabaa in maskaxdaadu ay is weydiiso sababta ay dadku u xiiseeyaan daawashada filimadan cabsida ah, gaar ahaan noocyada sida gaarka ah u sii baqdinta badan ee sharka iyo argagaxa ka sheekaynaya.

Tan iyo bilowgii samaynta filimada waxaa xiise gaar ah dadka u yeeshay daawashada filimmada cabsida leh oo mararka qaarkood lagu tilmaamo kuwa ugu daawashada badan, waxa aanay khubarada daraasaddan sameeyey ogaadeen in da’da ugu badan ee filimadan xiiseeyaa in ay yihiin kuwa ku jira marxaladda kala guurka carruurnimada iyo dhalinyaronimada, sababta ugu badan ee ay u jecel yhiinna ay tahay qofka oo da’daas dareensan in marxaladda uu gelayaa ay tahay mid cabsi badani soo waajahayso oo ay uga baahan tahay u diyaar garow iyo bisayl, daawashada filimmadanina ay tahay mid ka mid ah tababarrada arrintan uu ka baran karo.

Sababta labaad ayaa ah dadka qaar oo filimmadani u samaynayaan macne dareenkooda taabanaya, tusaale ahaan waxaa soo maray duruufo cabsiyeed iyo xaalado baqdin iyo aragagax badan oo la mid ah ama ku dhow waxa filimmadani ka hadlayaan, sidaa awgeed ayaanu u xiisaynayaa in uu daawado filimmadan oo uu ka dhex arkayo xusuuso qisooyin uu u soo joogay ama warkooda uu si fiican u hayo.

Si kastaba ha ahaato ekhubarada caafimaadka ee arrimahan u kuur galay waxa ay sheegayaan in daawashada joogtada ah ee Filimmada cabsida ahi ay aakhirka ay qofka ku beeraan shucuur caadi u aragta cabsigelinta, argagaxa, arxan darrada iyo hab-dhaqannada cadaawadda leh, isla markaana ay kharribaan dareenka dabiiciga ah ee aadamaha, oo tusaale ahaan qofka cabsida ayaa ka guuraysa, markaasay gaadhi kartaa in cabsi iyo khatar ka hor timid uu u qaato wax sahal ah oo uu mahlako ku galo, ama khatar iyo cabsi jirta in uu isku qaado.