Caadooyinka Dadka Qaar Dhayalsadaan Ee Sababa Boqolkiiba 90 Ka Mid Ah Noocyada Cudurka Kanskar

0
581

mmmmmmmCilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in boqolkiiba 90 ka mid ah xanuunka Kansarka noocyadiisa caanka ah oo ay ka mid yihiin Kansarka naaska, Kansarka qanjidhka ragannimada (Prostate) iyo Kansarka Sambabadu ay sababtooda koowaad tahay qaab nololeeda qofka iyo caadooyinka aan caafimaadka u fiicnayn ee ay dadku sida dhayalka ah u sameeyaan, gaar ahaan nooca cuntada, fadhiga iyo firfircooni la’aanta jidhka, wasakhowga hawada iyo sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah ee la mid ah.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxaa sameeyey xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Stony Brook ee magaalada New York, waxaana natiijadiisa lagu faafiyey majaladda Nature. Waxa aanay caddaysay in Kansarku sidiisaba ku yimaaddo khaladaad ama isbedello ku yimaadda maaddooyinka hiddeaha ah ee ku jira unugyada, kadibna u kora si aan la xakamayn karayn. Waxa aanay ku iman kartaa sababta mushkilad dib-u-habayn iyo wanaajin ah oo ay samaynayeen unugyadaj idhku ama raadayn ka baxsan jidhka oo dibadda kaga timaadda.

Haddaba daraasaddan ayaa caddaysay in caadooyin in badan dadku ay si dhayal ah u qabatimaan oo weliba u muuqda wax iska fudud ama caadi ahi in ay sababi karaan boqolkiiba 90 noocyada kala duwan ee cudurkan khatarta badan, caadooyinkaas waxaa ka mid ah, socod la’aanta, isticmaalka sonkorta ama macaanka badan, sigaar nuugista, iyo in qofku uu ku noolaado xaafad ama deegaan hawadiisu wasakhaysan tahay.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in boqolkiiba 70 illaa 90 Kansarka noocyadiisa caanka ah ka mid ahi ay ku yimaaddaan sababo dibadda ka ah jidhka gudihiisa, sida fallaadhaha qorraxda ee UV loo yaqaanno oo jidhka ku dhaca, wasakhowga hawada, isku-buuqa iyo sababo kale oo qofku uu xakamayn karo haddii uu ku dadaalo. Laakiin waxa ay khubaradu xaqiijiyeen in Kansarka noociisa maskaxda ku dhacaa uu ka mid yahay noocyada kansarka ee ku yimaadda sabab jidhka gudihiisa ah oo la xidhiidhia unugyada shaqadooda.

Ugu dambayntiina xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay ku taliyeen in qofku uu samayn karo hawlo badan oo la hubo in ay yareeyaan katarta ah in uu cudurka Kansarku ku dhaco, isla markaana hab-nololeedkooda wax badan ka beddelaan gaar ahaan dhinaca cuntada iyo jimicsiga.