Waxbarashadu Waa Hubka Ugu Fiican Ee Aad Kaga Adkaan Karto Naafonimada: Indhoole 12 Jir Qur’aanka Ku Xafiday, Oo 5 Af Ku Hadla, Imikana Qaatay Shahaadada Sare Ee PhD

34
3070


Ribaat (Geeska)- Cabdiraxmaan Idsaar oo ka dhashay qoys faqiir ah oo deggen duleedka magaalada Maraakish ee dalka Marooko isaga oo aan laba bilood oo da’diisa ah dhammaysan ayaa uu ku dhacay xanuun indho tiray. Markii uu gaadhay xilligii waxbarasha waxaa la geeyey dugsiga indhoolayaasha ee dawladdu maamusho, waxa aanu waxbarashadii waday illaa uu dhammaystay dugsiga sare.
Cabdiraxmaan waxa uu go’aansaday in uu waxbarashada sii wado waxa anau u gudbay heer jaamacadeed, isaga oo go’aankiisaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Markii aan dugsiga sare dhammaystay waxa aan xaqiiqsaday in cilmi barashadu ay tahay habka ugu badqabsan ee aad naafonimada kaga adkaan karto”
Cabdiraxmaan oo da’diisu 29 sano jir tahay waxa uu waxbarashadiisa shahaadada sare ee PhD ku qaatay cilmiga daweynta dabiiciga ah, gaar ahaan duugista curuuqda (Physiotherapy), laakiin intaas kuma uu koobnaan ee waxa uu sida oo kale waxbarasho ee jaamacadeed ah ku qaatay afka Faransiska, Daraasaadka Islaamiga ah oo uu shahaadooyinka koowaad iyo labaad ee jaamacadda ku qaatay. Waxa uu qaatay shahaadooyin sare oo barashada Tiknoolajiyada la xidhiidha, iyo ta ugu sii muhiimsan oo ah in uu si fiican oo cilmiya u bartay shan Af. Isaga oo tan u dambaysa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Tan iyo markii aan carruurta ahaa waxa aan jeclaan jiray in aan afafka barto, taas ayaa sababtay in ana waxbarasho xagga internet ka ah ku barto dhowr af, kuwo kalana si toos ah u barto” Isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu Cabdiraxmaan yidhi, “Alle ayaa ii fududeeyey in aan barto shan af oo aanu ku jirin afkayga Carabiga, kuwaas oo kala ah, Faransiiska, Ingiriisiga, Jarmalka , Isbaanishka iyo Afka Amaasiiqiga (Barbariga) oo ay ku hadasho qawmiyadda Barbariyiinta (Amaasiiqiyiinta) oo degta woqooyiga Afrika.” Isaga oo intaas ku daray in isku darka muddada uu afafkan baranayey ay ahayd 8 sano. Waxa aanu Qur’aanka Kariimka ah xafiday isaga oo 12 sano jir ah.
Cabdiraxmaan oo ilmihiisii curad filayaa, waxa uu noloshiisa u wadaa si caadiya oo la mid ah sida dadka indhaha qaba, mar uu ka warramay sababta uu u malaynayo in ay guushiisan keentayna waxa uu ku jawaabay, in ay yihiin laba sababood oo ah joogtayn iyo Samir. “In kasta oo aan aragga waayey, haddana waxa aan ku adkaystay oo aan joogteeyey in aan bulshada ku dhex jiro, waana aan ku guulaystay. Maalin kasta waxa aan bartaa saaxiibbo cusub”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here