Siyaasiyiinta Quruxda Badani, Marka Ay Doorashada Noqoto Iyaga Ayaa Guusha Uga Dhow Kuwa La Midka Ah Ee Foosha Xun

53
3340

Berlin (Geeska)- “Kii qurux badan ayuun baa guulaysta” Waa natiijada cilmibaadhis dhowaan Jarmalka lagu sameeyey, oo sheegtay in siyaasiyiinta quruxda iyo muuqaala soo jiidashada leh u dhashay ay yihiin kuwa guusha ugu weyn ka gaadha doorashooyinka.
Cilmibaadhistan oo lagu saleeyey isbarbardhig ay cilmibaadhayaashu ku sameeyeen 1’786 murashax oo rag iyo dumar isugu jira oo isu soo sharraxay doorashadii golaha sharcidejinta oo dalka Jarmalka ka qabsoontay bishii Sagaalaad ee sannadkii ina dhaafay, waxa ay ogaadeen in marka la tartamo uu murashaxa quruxda iyo muuqaalka soo jiidashada badan lihi yahay kan ugu dhow in uu ugu yaraan boqolkiiba 5 ka bato ka la midka ah ee isagu aan quruxda iyo soo jiidashada lahayn.
Cilmibaadhistan oo uu sameeyey baresare Ulrich Roser oo cilmiga bulshada ka dhiga jaamacadda Düsseldorf ee dalka Jarmalka ayaa daahfurtay in tobankii murashax ee ugu codadka badnaa toddobada xisbi ee ugu waaweyn dalka Jarmalku ay ugu sii cod badnayd Sara Vagenkensht oo uu ku tilmaamay siyaasiyadda ugu quruxda badnayd uguna il-qabatinka badnayd, waxaa ku xigtay Christian Lindner oo iyaduna tilmaamahaas hore kuwo ku dhow lahayd.
Raysalwasaaraha hadda ee Jarmalka, haweenayda lagu magacaabo Angela Merkel ayaa iyadu kaalinta kaalinta sagaalaad ka gashay liiska kala horreynta codadka murashaxiinta ayaa la sheegay in dadka ka horreeyey ay dhammaan ka qurux badnaayeen.
Ulrich Roser waxa uu sheegay in dhammaan baadhitaannada arrintan la xidhiidhaa ay muujinayaan in mar kasta siyaasiga jidh ahaan iyo weji ahaanba quruxda iyo il-qabatinka lihi guusha uga nasiib badan yahay siyaasiga dhiggiisa ah ee keliya kaga duwan dhinaca quruxda oo uu ka hooseeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here