“Inagu Waxa Aynu U Qaybsanaa Magta Ganboganbo; Waxaanay Keentaa In Xataa Roobku Inoo Di’i Waayo”

42
2756

Ganacsade Cali Guuleed oo baaq nabadeed iyo farriino waano ah u diray beelaha Ceel-afweyn


Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Guuleed oo ah mulkiilaha hoteelka caanka ah ee Guuleed ee magaalada Hargeysa ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalmay Dararweynaha gobalka Sanaag inay nabada ku laabtaan isla markaasna ay meesha ka saaraan dagaalka.
Cali Cumar ayaa waxa uu ku tilmaamay labada beelood ee wada dagaalamay kuwo walaalo ah oo colaadda dhex martaa ay saamaynayso dhammaan umadda reer Somaliland, isagoo naftiisa u soo qaatay tusaale, waxaanu sidoo kale farriin waano ah u diray salaadiinta qaar ka mid ah. Ugu horayn wuxuu yidhi “Umada Somaliland aad ayay uga qayliyeen kana damqadeen dagaalkaas, dhaqan ahaan dadka kale marka qof laga dilo magta qofka ka dila ayuunbaa bixiya, inagu waxa aynu u qaybsanaa magta ganbo ganbo waxaanay keentaa in xataa roobku inoo di’I waayo, reeraheena qaar ayaa qaydhin inuu bislaadaana waa muhiim oo qaar ayaa dagaalada jecel laakiin labadaas reer waa laba reer oo bisil, aniga shaqsi ahaan caruurtaydana waa u awoow walaashayna reerka kale ayaa qaba oo abti ayaan carruurta kalena u ahay labada raas ee is dilaaya, waa ninkaygan Hargeysa ku dhashay labaduba waa ay isoo galaan, waxa halkaas ka dhaca baroortoodu halkan way igu soo gaadhaa, waxaan leeyahay maadama oo labadiina reerba aad bisishiin oo aad dhibaato hore u aragteen maanta in waxii dhexdiina ah iyo walaalnimadiina la dhameeyo waa muhiim, dawlada Somaliland iyo ciidanka qaranka ee ilaa maanta ku jira waxa igu maqaalo ah wali ciddi may furin oo uma garniqin laakiin ciidanku waa uu kala hayaa, waxaan leeyahay marka hore colaada ha la soo afjaro anaguna tujaar,salaadiin iyo mutacalin waxii lagu helaayo daawo diyaar ayaanu u nahay, waxa dhacayna waa wax fool xun, allena waxaan ka baryayaa inuu halkaas ku joojiyo.”
Cali Cumar waxa uu wax xun ku tilmaamay qabyaalada isaga oo ka hadlay salaadiintii dhawaan hawada mariyay hadalada xanafta leh”Horta Suldaan Xasan markuu hadlay afar jeerna waxa uu ku abtirsadaa reer Suldaan afarna reer Garaad, siddeed ninkay abtirsiintiisu tahay hadduu hadal xanafleh uu umada dhex dhigo ama yidhaahdaba ama kaftan galiyo masiirka umaddu kaftan malee waa mid subxaanale, Suldaan Maxamed oo siddeed jeer isaguna ku abtirsada saldanada waxaanu leenahay hadalkii aad tidhi maanu jeclaysan wax fool xuna waa uu ahaa, ninkasta oo qabyaalad ku faanay ama ku xagliyay aakhirka isagaa mudhxa oo sida geedkaas ayuunbay qolaftu ka dhacdaa, qabyaaladu waa waxa dalkan baabiyay. waxaanu leenahay qabyaalada umada halaga daayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here