Waxaa Jira Hadallo Iyo Habdhaqanno Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Ereyga ‘Waan Ku Jecelahay’ (1)

0
947

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro badan iyo ereyo kala duwan oo uu qof kastaa ku cabbiro jacaylka uu qofka kale u qabo. Waxa ugu caansan ereyga ‘Waan ku jecelahay’.

Dad badan ayaa qalad fahmay jacaylka, waxa aanay ku soo koobeen ereyo ay si fudud afka uga yidhaahdaan oo qofka kale ay ugu sheegayaan in ay jecelyihiin ama ugu cabbirayaan illaa xadka uu gaadhsiisanyahay jacaylka ay u qabaan. “Waan ku jecelahay” ayaa ah erey caan ka dhex ah bulshada oo aynu joogto uga maqalno suugaanta, filimada iyo qisaska kala duwan ee jacaylka. Si kastaba ha ahaato ee baadhitaanno lagu sameeyey raadaynta uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ ku leeyahay qalbiga qofka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan siyaabo badan oo ka saamayn badan oo qofku uu jacaylkiisa qofka kale ugu cabbiri karo isaga oo aan ereygan badhaysiga noqday isticmaalin. Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay ficillo iyo odhaaho ka muhiimsan ereyga ‘Waan ku jecelahay’ oo marag cad u noqon kara jacaylka aad qofka u qabto, si aad u xeeldheerna qalbigiisa u taabanaya.

  1. Taageero iyo garabjoog joogto ah

Aadamuhu mar kasta oo uu hawlgalo ama noloshiisu weji cusub yeelato, gaar ahaan xilliga duruufuhu ku adagyihiin waxaa ku beerma cabsi ah in cid garab istaagto uu waayo. Jacaylkaaga ku qanci in aad diyaar u tahay in aad wax kasta u samayso si aad isaga u caawiso.

Qofka oo aad qalbigiisa ku abuurto dareen ah in uu isku halleeyo taageeradaada iyo in aad garab istaagayso xaaladaha adagi waxa ay ku abuurtaa jacayl aan duugoobin si kasta oo uu marka dambe kaaga durko, waxa aanu xidhiidhkiinna oo dhami ku dhisnaanayaa xurmo iyo sharaf siin. Jacaylkaaga ama mataanka aad nolosha wadaagtaan oo fahma in riyada iyo himilada aad leedahay ay ka mid tahay garab siintiisu, iyo sida aad ugu diyaarsan tahay in aad samayso wax kasta oo kaa caawinaya rumaynta arrintaas ayaa ku filan in qalbigiisu si buuxda u aqoonsado jacaylka aad u qabto.

  1. Garab istaag

In qofka aad jeceshay aad u muujiso in aad ku garab taagantahay duruufaha kala duwan ee noloshu waa arrin qofka ku abuuraysa xasilooni qalbiga ah. Maalmaha adag iyo marka uu qofku dhib la kulmo oo aad u muujiso garab istaag iyo in aad ka gacan siinayso sidii uu uga bixi lahaa waxa ay ku abuurtaa kalsooni iyo jacayl kale oo dheeraad ah oo uu qofka ka adkaado. Waxaana ka dhasha in qofku isaga oo aanad ka dalban uu isaguna markiisa garabkaaga istaago marka aad xaaladaha adag ku jirto. Waa habdhaqan ka qiimo iyo miisaan badan afka oo aad kaga celceliso waan ku jecelahay. Waana fure qalbiga qofka aad ku qabsan karto.