Weli Ma Is Weydiisay Sababta Aynu Laba Murashax Ugu Kala Codayno Ama Laba Ruux Midkood U Jeclaanno?

0
568

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay sheegaan in qofka farriidka ahi uu leeyahay dareen soo jiidasho ama waxa Soomaalida qaar ku magacowdo jinniyadaha oo qofka kale ku abuuraya xiise uu u qabo la xidhiidhka iyo ka agdhowaanta qofkaas. Sannadkii 380 kii dhalashii Nebi Ciise (CS) ka hor, ayaa Faylasuufkii Giriigga ahaa ee Plato uu buuggiisa ‘The Symposium’ kaga warramay xidhiidh ka dhexeeya jacaylka iyo fikirka qofka. Taas oo macnaheedu yahay in jacaylka aad qof u qabtaa uu saamayn ku yeelanayo hab fikirkaaga caadiga ah. Waxaana in badan dhacda in maskax badnaanta qofka ee abuurka ah uu dad badan ku soo jiito.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegayaan in sababaha jacaylka bilowgiisa keena, iyo xitaa sababta keenta in aynu siyaasi gaar ah siyaasi ugu codayno innaga oo siyaasiyiinta kale oo dhan ka dooranayna in ay xidhiidh la leedahay dareenka soo jiidasho ee fariidnimada qofkan ku jirtaa innagu soo jiidanayso. Taas macnaheedu ma’aha in maskax badnaantu ay tahay waxa keliya ee qof kalgacalkiisa innagu abuura, laakiin waa in marar badan dadka maskaxda badani ay si fudud u qabsan karaan qalbigeenna, inkasta oo ay dhacdo in dadka qaarkood aanay dabeecad ama astaan keliyi ahayn sababta ku abuurta dareenka kalgacal ee uu qofka u qaadayo. Waxaa jira tilmaamo badan oo qofka ku jeclaysiin kara, waxaa ka mid ah go’aamada, afkaarta, dareenka, hab macaamilka qofka iyo anshaxa oo dhammaantood si weyn inoogu beera xiisaha aynu qofka u qaadayno.

Kicinta xiisaha maskaxda

Soo jiidashada uu qofka maskaxda badani innagu samaynayaa waa dareen maskaxdeenna xiise ku abuuraya oo ka dhalanaya aragtida, aynu aragno muuqaalkiisa guud ee jidhka iyo muuqaalkiisa daahsoon ee shakhsiyadda qofka ah. Labadaas ayaa maskaxda ku abuuraya fahamka ah in afkaarta qofkan ku jirtaa ay tahay midda anfacaysa, waxaana uu isku arkayaa xiise dheeraad ah oo uu u qabo in uu qofkan aragtiyo cusub la wadaago iyo in uu si xeeldheer ula sheekaysto, taas oo iyaduna mar kale sii kordhinaysa xiisaha u uu qabo, kuna dhiirrigelinaysa in uu cid kale oo kasta ka doorbido.

Noocyada fariidnimada

Marka aynu fariidnimo maqalno waxaa in badan oo innaga mid ah ku soo dhacda in ayn u ka hadlayno awoodda garasho ee qofka oo sarraysa, ama in qofkani uu aqoonguud oo ballaadhan, indhafurnaan iyo ildheeri leeyahay. Laakiin cilmibaadhayaasha waqtigan daraaseeyey waxa ay aaminsanyihiin in fariidnimadu ay intaas aynu sheegnay aad uga sii ballaadhantahay.

Waxaa jira qeexo iyo tilmaamaha kala duwan oo ay xeeldheereyaashu ku asteeyeen fariidnimada, waxa aynu ka soo qaadanaynaa kuwan hoos ku xusan:

  1. Fariiddadu waa dad aqoon aad u sarraysa u leh naftooda.
  2. Fariidku waa shakhsi aad u furfuran.
  3. Waa dad si xeeldheer u fikira.
  4. Waa dad u heellan waxbarasho joogto ah, waqtigoodana qayb weyn ka siiya aqoon korodhsiga.
  5. Waa dad aad u xiiseeya sheekada xeesha dheer iyo falanqaynta arrimaha muhiimka ah.