Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Hadashay Rabshadihii Dhacay Iyo Imtixanka Ardayda

0
950

 

ZamHargaysa(Geeska)-wasiirka waxbarashada ee Somaliland marwo Samsam Cabdi Aaadan ayaa shalay ka hadashay imtaxaankii baxay ee fasalka labaad dugsiyada sare iyo rabshadii ka dhacay magaalda Boorama oo ay ku tilmaantahay in aanay khasaare aad u balaadhan gaysan, isla markaasna magaalda Boorame ay gaadheen sarakiil ka tirsan xafiiska imtaxaandaaka oo arintaasi baadhitaan ku soo samaynaya.

Marwo Samsam waxa ay  tibaaxaday inay saddex maado oo keliyi  baxeen islamarkaana lagu celin doono maadooyinkaas marka laga soo noqdo fasaxa.

Ugu horayn waxa ay ka hadashay xafiika imtaxaanaadka iyo sida ay u baxeen sadexda maaddo  ee suuqyada lagu kala iibsanayay waxaanay tidhi“ Waxa jira xafiiska imtaxaandka oo si adag u shaqeeya oo aanay dawladan cusubina qofna ka badalin nidaamkii lagu shaqaynayayna aan laga badalin, waayo shahaadadeena ayaa lagu kal soon yahay ilaa Suudaan iyo meelo kaleba. Waxa isku khaldama imtaxaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo ka fasalka sideedaad dugsiga dhaxe oo ay saxaan xafiiska imtaxaandka iyo imtaxaanada ay iskuuladu iyagu saxaan oo ah kan ilaa shalay  hadalkiisu taagnaa ee fasalka labaad ee dugsiga sare. Waxa uu xafiiska imtaxaanadku uu diyaariyaa su’aalaha iyo jawaabahooda, markaa waxa la geeyaa gobal kasta. Khaladkuna waxa uu ka dhacay gobalka Awdal oo su’aalii iyo saddex maado  jawaabahoodii  la geeyay iskuuladii, halkay ahayd in su’aalaha la siiyo jawaabaana marka imtaxaanku dhamaado la siiyo.

Waxaana sii faafiyay maaclimiin aan masuuliyiin hayn. Maanaan odhan hala joojiyo waayo waa lagu celin karaa sadexda maadadood imikana waan ku celinaynaa”

Sidoo kale Marwo Samsam waxa ay xustay in ay talaabo ka qaadi doonaan macalimiintii ay iskuuladooda jawaabahaasi u khaldameen ee faafiyay “Iskuulkaasi marka la’soo hello waxa muuqata inaanay masuuliyad qaadi Karin macalimiintiisu markaas talaabo ayaanu ka qaadi doonaa”

Ugu dambayntii Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay kula dardaarantay waalidiinta inay ku dadaalaan sidii ay caruurtoodu ugu heli lahaayeen waxbarsho anfacda ayna ka waantoobaan inay caruurtooda la daydayaan in loo boodsiiyo ama ay imtixaanka helaan.