Tiro-koobka Ciidamada Kala Duwan Ee Dalka Oo Si Rasmi Ah U Bilaabmay Toddobadkan

1
1076

 

jAMAALHargeysa(Geeska)-Waxaa dalka si rasmi ah uga bilaabmay tirakoob rasmi ah oo lagu samaynayo saddexda ciidan ee Somaliland ee kala ah qaranka, Booliska iyo Asluubta.

Wefti uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda NDC Md. Jamaal Caydiid Ibrahim oo ay ku jiraan shan janan ciidan oo reer Somaliland ah ayaa hawshooda tirakoobka toddobaadkan ka bilaabay magaalada Gabiley ee xarunta gobalka Gabiley, halkaas oo ay shalay ka dhammaystireen, iyagoo maantana u gudbi doona magaalada Wajaale oo ay uga sii gudbi doonaan gobalada Salal iyo Awdal. Qorshahan tiro-koobka ciidamada ayaa waxa lagu kala saari doonaa ciidamada rasmiga ah ee shaqeeya, kuwa naafada ah, agoomaha iyo kuwa da’da ah oo iyagana loo samayn doono sida la sheegay ilo ay dhaqaalaha ka helaan.

 

Masuuliyiinta ku hawlan tirakoobka ciidamada dalka oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurtogelin, waxase la sheegay inay hawshan tirakoobka ku mari doonaan dhammaan ciidamada kala duwan ee ku sugan gobalada iyo degmooyinka dalka, waxaanay tani meesha ka saari doontaa nidaam caaglayn ah oo la sheego inuu ka dhex jiro ciidamada. Caaglaynta ayaa ah askari aan jirin oo haddana mushaharkiisu dawladda ka soo baxo, waxa kale oo uu tirakoobka ciidanku soo dedejin doonaa darada ciidamada.

Guddoomiyaha hay’adda NDC Md. Jamaal Caydiid, waxa socdaalkiisan shaqo ku weheliya shan janan oo kala ah

Gen. Maxamed Jaamac Fadhi-kusalaam

Gen. Xasan Cali Abokor

Gen. Ismaaciil Shaqale

Gen. Maxamed Cali Ismaaciil

Gen. Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi

Comments are closed.