Xilkii Maayarnimo Ee Gabiley Oo Lagu Wareejiyay Marwo Khadra Iyo Xildhibaano Si Kulul U Cambaareeyay Wasiir Gaboose

2
997

 

khadrs

Gabiley(Geeska)-Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa shalay ka qayb galay munaasibad uu si ku meelgaadh ah xilka ugu sii kala wareejiyay maayarkii hore ee Gabiley Aadan Muxumed Bade oo xasaanadii laga qaaday iyo ku xigeenkiisa Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh.

Wasiir Gabose, wuxuu ganafka ku dhuftay codsi ay xubno ka tirsan golaha deegaanku u jeediyeen oo ay ku dalbanayeen in loo qabto kalfadhi caadi ah oo ay ku doortaan maayar cusub, maadaama oo sida ay ku doodayeen maayarkii hore laga qaaday xasaanadii, waxaanu si rasmi ah xilkii maayarnimo ugu kala wareejiyay labadaas masuul, iyadoo Marwo Khadra noqotay haweenaydii u horaysay ee taariikhda Somaliland noqota maayar magaalo.

Hase yeeshe laba xildhibaan oo ka tirsan xubnaha golaha deegaanka uu wasiirku dalabkooda laalay, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Wasiir Gabose ku eedeeyay inuu u joojin waayay. “Waanu la kulanay, waxaanan ka wada hadalnay isaga oo markii hore iska soo horeeysiiyay agaasimihii guud ee wasaaradiisa iyo agaasimihii waaxda dawladaha hoose ee wasaarada arrimaha guddaha iyo badhasaabka gobolka, waxaanan ka wada hadalnay soo jeedintii aanu shalay u gudbinay, taas oo ahayd in la buuxiyo booskan banaan ee jagada maayarka Gabiley.”

Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Laanloobar oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Wasiirkku noomuu joojin oo markii hore wuxuu lahaa agaasimaha ayaa xil wareejintii joojiyey waxaanu ku yidhi arrintaasi way qaldan tahay, kadib wasiirku wuxuu af buuxa ku yidhi iyada oo ay hortaalo warqadii soo jeedinta ahayd in uu yidhaahdo aniga ayaa joojiyey oo awood ku joojiyey, waxaanan xilkii si toosa ugu wareejinay ku simaha maayarka, waxaanan u ogolaanay inuu iska difaaci karo maxkamad, Markaa wasiirku isaga oo indha ka ridaya xeerka ayuu na yidhi aniga ayaa diiday soo jeedinta tobankaas xildhibaan, waxaanu baal maray dastuurkii, xeerkii gobolada iyo degmooyinka ee qaranka, meesha iskamaanu joogin ee waxa qof lagu doortaa waa hal dheeri, wasiirkii markuu kacay waxaa meesha ka bilaabmay gacan ka hadal fool ka fool ah oo waliba anigu gacanta ayaan kala hadlay markaas, waxaanan ku idhi sharcigii aad shalay ka ooyeysay haku tuman maanta. Sidaas daraadeed anaga waxba nooma magacaabi karo wasiirku.

Xildhibaan Ibrahim Axmed Xasan, ayaa isna yidhi, “Anaga ayaa xaq u leh, cid kale oo loo magacaabi karaana ma jirto, kana waxba kama jiraan weeyaan. Sheekadaasi waa sheekadii xukumadii hore iyo UDUB ay eedeen ee dastuurka ku tumashadiisii. Maanta (Shalay) wuxuu wasiirku af buuxa wuxuu ku yidhi isaga oo aan khajilayn toban xildhibaan warqad ay qoreen ayaa la ii keenay, hase yeeshee aniga yaa xayiray oo waa waxba kama jiraan. Hadalkaasi waa hadal qayrul dastuuriya. Anaga ayaa xaq u leh in aanu maayir doorano, waxa la magacaabaya haydh tuulo maaha ee waa gudoomiye.”

Si kastaba ha ahaate dad badan oo ka mid ah bulshada gobalka Gabiley ayaa soo dhaweeyay maayarnimada Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo muddo dheer xilkaas ku xigeenka haysay, waxaana markii xilkaas loo caleemo saaray mashxarad iyo sacab isla oogsaday haweenka gobalkaas oo madasha qaarkood ku sugnaa.

Comments are closed.