Wasiirka Shaqada Oo Ka Hadlay Aafadda Tahriibku Dalka Ku Hayo

0
690

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay korodhka dhalinyarada dalka ka Tahriibaya, waxayna dalalka Suudaan iyo Itoobiya u dirtay fariin inay dib u soo celiyaan dhalinyarada reer Somaliland ee xuduudahooda ka gudbaya.

Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo la hadlay laanta afka Somaliga ee idaacada BBC-da, ayaa sidoo kale sheegay in Tahriibku saameeyay ardayda Jaamacaddaha ku jirta, waxaanu wasiirku tusaale u soo qaatay wiil uu awow u yahay oo dhawaan laga soo celiyay deegaanka Aw Barre isaga oo sii Tahriibiya, ka dib markii uu ku ambo-baxay lacagtii Jaamacadda uu dhiganayey.

Wasiir Garaad, oo ka hadlaya aafada Tahriibka ayaa yidhi “Tahriibkani waa arin aafo ah oo shacabka Somaliland, shacabka kale ee Somaliyeed iyo dad kale oo aanu jaar nahayba ku habsatay, waa arin aad u fool xun oo naf bax ah iyo dhiig bax ah oo hanti bax ah oo dadkii iyo carruurtiiba ku dhamaatay, meesha loo sii jeedaana waa meel aan la hubin waxa yaala, markaa waa aafo qaran oo aanu ka xunahay runtii, waalidkiibaa lagu kalifayaa inuu hantidiisa xaraasho, inuu daartiisa (Gurigiisa) xaraasho iyo in hooyadu dahabkeeda xaraashto, arintana waa arin mashruuc ah oo dad si cilmiyeysan u sameeyeen”

Wasiir Garaad, waxa uu sheegay in Tahriibku qoyskiisa saameeyay oo diriq lagaga badbaadiyey wiil uu awoow u yahay “Inan aan u awow ahay oo Inankaygu dhalay, maalin dhawayd Aw-barre ayaanu ka soo celinay, meel uu u baxayo ma garan kartid, waxa uu u urursaday lacagtii uu Jaamacadda ku taggi lahaa oo uu ku anba-baxay, markaa dadbaa odhanaya waxaanu kuu haynaa dariiq aad martid, markaa waxaan leeyahay waalidka arintaa ka waantooba oo hantidiina aad bixinaysaan ka daaya oo joojiya, carruurtuna inta aanay bixin halaga waaniyo Tahriibka”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan u jeedinayaa madaxda laanta socdaalka iyo ciidamada amaanka ee xuduudka joogaba inay culays saaraan dhalinyarada baabuurta raacaysa ee dalka ka dhoofaysa inay joojiyaan, waxaanan dawladaha Suudaan iyo Itoobiya ee aanu walaalaha nahay ka codsanayaa inay carruurtaasi noo soo celiyaan oo aanay xuduudkooda dhaafin, waxaanan leenahay noo soo celiya carruurtaa khatarta ku socota”