“Wasiirka Ciyaaruhu Gacan Ku Dhiiglayaashii Caynabo Maxkamad Ha Keeno Intuu u Hanjabayo Dadka Ciyaraha Dhalila….”

0
4197

Waxaynu beryahanba la wada soconay amaba aynu ka dheregsanayn dhaliilo iyo cadaymo isa soo tarayay oo ku soo baxay saxaafada kala duwan ee dalka, kuwaas oo muujinayay xil gudasho la`aanta iyo fadhiidnimada ku habsatay Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska oo uu masuul ka yahay
Wasiir Cali Siciid Raygal. Hadaba aynu eegno bal wixii Wasaaradaasi ka dhacay mudadii uu xilka hayay wasiirkani.

Waxa uu madaxwaynuhu u magacaabay Mr.Cali Siciid Raygal Wasiirka Wasaaradan 14/march/2012, islamarkii uu xilka la wareegay Cali Siciid waxa uu ku dhawaaqay inaan wax ciyaaro oo la qabanayaa aanay jirin marka laga reebo ciyaaraha gobolada jsl oo ujeedada uu ka leeyayahay tahay lacag

urursi iyadoo aynu la wada socono qaylada ka soo yeedhaysa goboladii ciyaari lahaa wakhtigan, kuwaas oo wakhtigii uu u qabtay oo ahaa Dec/2012 baaqday, sidoo kale mar labaad u qabtay qabsoomida ciyaaraha gobolada 15/jen/2013, taas oo iyadana la ogaa oo xitaa baaqashadaasi uu ku qancin kari waayay bulshada sababta keentay isaga oo mudo todobaad gudaheed ah ku sheegay laba sababood oo kala ah in qurba joogu soo codsadeen in laga dhigo bisha juun ee sanadkan iyo in dhalinyaro reer Axmed Dhagax ah ay ka qabsoomi waayeen ciyaarihii goboladu taas oo uu ka sheegay xil wareejintii

Dalada Dhalinyarada ee Sonyo.
Waxa ku xigay oo uu baabiiyay Xidhiidhadii kala duwanaa ee ciyaaraha Somaliland, oo dhismahoodu soo jiray tan iyo sanadkii 2001 marxalado kala duwana soo maray duruufo badanina ku gedaanaayeen, ayaa Wasiir Cali waxa uu qaatay abid go`aankii ugu xumaa uguna khasaaraha waynaa ee soo mara ciyaaraha dalka, taas oo uu u sahlay Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Soomaaliya inay ka dhabeeyaan sheegashadii ay sheegan jireen inay ciyaaraha dalka ka masuul yihiin oo ay Somalilandna ka mid tahay.
Waxa kale oo uu Wasiir Cali balan qaaday in mudo 3 bilood ah uu ku soo dhisi doono Xidhiidhadan oouu ku sababeeyay arimo aan lala dhicin taas oo beenawday.
Hadaba iyadoo aanan ku soo koobi karayn qoraalkaygan khasaaraha ciyaaraha gaadhay mudadii Wasiir Cali meesha joogay ayaa waxa ugu dambaysay Tartankii ay kooxda caasimada Hargeysi kaga qayb geli lahayd Kambala (ugandha) ee uu gacantiisa ku horjoogsaday isagoo Maayarka iyo cid walba ku yidhi arintaasi qiimo uguma fadhido qaranka, inamada tababarka ku daalay mudo 3 bilood ahna ku lahaa waan idiin maqanahay taas oo laba wajiilenimo iyo xilkasnimo daro ah.
Waxa kale oo wax lala yaabo ah in Wasiirka ay ka soo yeedhay inaanay dhalinyarada ciyaartoygu aanay tahriibin iyadoo la wada og yahay dhamaan dalka goboladiisa dhalinyarada ka tahriibta inay hormood u yihiin bahda ciyaarahu waxaana cadayn u ah tartankii ciyaaraha gobolada ee u dambeeyay

kuna qabsoomay Burco inaan dhamaan gobolada ciyaartoygii u saftay 60% aanay joogin hada, waxa kale oo labadii bilood ee u dambaysay Hargeysa kooxaheeda
heerka 1aad ka tahriibay:-

Guray                                    Gaashaan
C/qani Dawo                      Xidigaha Cirka.
Ibraahim                              Xidigaha Cirka

Maxamed Carab              Gaashaan

Afrikaan                              Haboon cons.
Naasir maamule              D/Hoose. Iyo qaar kale oo badan.

Hadaba waxay arintani ku tusaysaa inaanu Wasiirku ka warqabin xaalada dhabta ah ee Dhalinyarada iyo ciyaartoygaba, waxaanay ka marag kacaysaa nuu ku mashquulsan yahay arimo kale oo ka baxsan shaqada Wasaaradiisa. Waxa kale oo iyana jirta in Wasiirku ku hanjabay inuu xadhi g la tiigsan
doono cidii dhaliisha Wasaaradiisa ee wax ka sheegta, arintaasi oo muujinaysa cabanaanta iyo bisayl la`aanta siyaasadeed ama maamul, waxaanahore ugu hodmay qaar adiga kaa horeeyay oo halkii ay mareen la wada ogyahay, umadanina maaha kuwo la cabudhin karo ama loo cago juglayn karo ee
Mudane Wasiir, shaqadani maaha mid ku qarinaysa waanad ku hafatay ee waxaanuMadaxwaynaha kuu waydiinaynaa inuu shaqo tan ka fudud oo aad hawlahaaga gaarka ah ka haleesho inuu kuu eeg eego.
Wasiir Intaad leedahay maxkamad ayaan la tiigsanayaa dadka dhaliila habacsanaantayda iyo xilkasnimadayda, waxaa wanaagsanayd inaad gacan ku dhiiglayaashii jilibkaaga ahaa ee Caynaba dadka ku laayay aad maxkamad soo istaajiso. Madaxwaynaha Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo aanu ognahay inuu horumar iyo dadaalba la garab taagan yahay dhalinyarada Somaliland aanu helin cidii ku haboonayd Wasaaradan, waxaanan ku talinayaa inuu u soo xulo masuuliyiin hanan kara shaqada Wasaaradan kuwaas oo ka midho dhalinkara  barjaamijkaaga Xukuumadeed himiladaada dhalinayarada iyo waliba balanqaadkaagii wakhtigii axukuumada ka hor.