Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Miyaa Lagu Gafayaa Mise Isagaa Gar Daran?

2
580

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka macdanta iyo biyaha md. Xuseen Cabdi Ducaale, oo markii uu Madaxweyne Siilaanyo xukuumadiisa dhisay, ka mid noqday xubnaha faro ku tiriska ah ee uu rayul caamku soo dhaweeyay, ayaa hadda u muuqda masuul si kale u soo jiitay indhaha bulshada.

 

Axadii doraad, waxa ay noqotay markii saddexaad ee ay xildhibaano amaba xubno wasiiro ahi ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo wax isdaba marin. Markii u horaysay xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada ayaa wasiirka ku eedeeyay distoor jabin, isagoo xildhibaanku sheegay inuu wasiirku galay heshiisyo aanu u soo gudbin golaha wakiilada oo awood u leh ansixintooda. Markii labaadna waxay ahayd wasiirkii maaliyadda ee hore Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wasiirka ku eedeeyay inaanu qasnadda dawladda ku soo shubin lacag uu ka qaaday shirkado macdan baadhiseed, lacagtaas oo xadigeeda ay warar kala duwani ka soo baxeen.

Axadii doraadna, waxay noqotay maalin kale oo ay 14 xildhibaan oo isku gobol ka soo jeedaa wasiirka ku eedeeyaan musuqmaasuq iyo inuu u kala eexday bulshada gobalada bari ee uu wasiirka u yahay, iyagoo xildhibaanadani Madaxweynaha ugu baaqay inuu wasiirkan ka qaado xilka uu qaranka u hayo.

Haddaba, waxa ay dad badani isweydiinayaan wasiirka miyaa laga gardaranyahay oo waa lagu gafayaa mise isagaan faraha dhigayn oo hadba meel kale ka fad kudinaya.?

Waa suurtogal inay xildhibaanadu wasiirka kula dul dhaceen eeddo aanay daliil u hayn, iyana waxa laga yaabaa in wasiirku ku hawlanyahay kala faquuqa bulshada oo ay warbixinta xildhibaanadu dhab tahay. Waxase Su’aashan si cadaalad ah looga jawaabi karaa marka uu wasiirku dhinaciisa si cad iskaga mooso eedaha ay xildhibaanadani u jeediyeen. Inuu is difaaco oo keliya maaha, waxase wasiirka laga rabaa inuu umadda u soo bandhigo sida uu u maamulay deeqaha ceelasha ah ee lagu eedanayo inuu musuqay amaba uu u qaybiyay si cadaaladda ka fog. Si uu wasiir Ducaale uga badbaado in lagu sawiro nin deeqdii umadda loogu dhiibay  ku qaybiyay gobalayso iyo eexaysi, waa inuu shacabka u soo bandhigo warbixin tifaftiran oo ka jawaabaysa eedaymaha xildhibaanada.

 

Si kastaba ha ahaate, Wasiir Ducaale, oo xilkan ka hor degenaa dalka Maraykanka, waxa laga rabaa maadaama oo uu ku noolaa duni la xisaabtanka masuuliyiintu sharci yahay inuu shacabka ka qanciyo eedaha loo jeediyay. Haddiise uu ka maquurto waxa  hubaal noqon doonta inay mustaqbalkiisa siyaasadeed saamayn ku yeelan doonaan eedaymahan dhawrka noqday.

Comments are closed.