Afrikaanka oo noqday dadka ugu badan dunida ee diimahooda Ku dheggen iyo diin la’aanta oo dunida xawli ku kordhaysa: Kamaal Axmed Cali

0
4389

 

Picture9Washington- Qaaradda Afrika ayaa noqotay goobta ugu badan ee dadkeedu ay diimaha ku dhaqmaan, boqolkiiba 89 dadka Afrika ah ayaa la ogaaday in ay ku dheggen yihiin diinta ay aaminsan yihiin si fiicanna ugu dhaqmaan, waxaa kaalinta labaad ku jirta qaaradda Latin Ameerika oo boqolkiiba 84 ka mid ah dadkoodu ay ku dheggen yihiin diinta ay aaminsan yihiin, arrinta aan la filayn ayaa ah in dadka dunida Carabtu ay kaalinta saddexaad ka galeen ku dhaqanka iyo ku dheggenaanta diinta ay aaminsan yihiin. Dalalka Muslimka ayaa iyagana la ogaaday in boqolkiiba 73 dadkoodu ay si fiican ugu dhaqmaan diinta Islaamka kuna dheggen yihiin aaminsanaanteeda iyo qaddarinteeda. Dalka Ciraaq oo dunida muslimka ka mid ah ayaa la ogaaday in uu yahay kan ay ugu badan ee arrimaha siyaasadda iyo aragtiyaha diiniga ahi isku qasan yihiin, iyada oo murannada ugu badan ee dhinaca siyaasadu ay yihiin kuwo ku sal leh dhinaca caqiiqada, sida shiicada iyo Sunniga, laakiin haddana si guud dalka Ciraaq waxa uu noqday kuwa ugu badan ee dadkoodu ay dhinaca diinta ku adag yihiin.

 

Tiro koob caalamiya oo ay samaysay hay’adda WIN-Gullup oo lagu ogaanayey heerka aaminanaanta diineed iyo diin la’aantu ka marayaan dunida oo dhan ayaa lagu ogaaday in dadka dalalka Ireland oo dadkiisu aaminsan yihiin mad-habta Kaatoliga ee diinta Masiixiga iyo dadka Vietnam oo dadkeedu boqolkiiba 85 aaminsan yihiin diinta Buddhism ku in ay aad isugu beddelayaan dhinaca diin la’aanta, waxaana lagu tilmaamay labada dale ee dunida ugu sarreeya dhinaca tirada dadka diin la’aanta ku sii socda. Marka sannadkii 2005-ta la eego dadka reer Vietnam ee diintooda ku dheggeni waxa ay ahaayeen boqolkiiba 53, laakiin hadda waxa ay hoos ugu dhaceen boqolkiiba 23 keliya, sidoo kale dalka Ireland oo xilligaa dadkiisa diinta ku dheggeni ahaayeen boqolkiiba 69 ayaa hadda ay hoos ugu dhacday boqolkiiba 47.

Sababaha ugu badan ee dalalka Masiixiga ah ku badisay in dadku ay diinta iskaga baxaan ama ay daciifto aaminsanaantoodii diinta iyo ku dhaqankeeda ayaa lagu sheegay in ay qayb weyn ka qaateen fadeexadihii dhowaan ka dhacay kaniisadda Kaatoligga ee la xidhiidhay baadariyo caadaystay in ay carruur yaryar dhaqan xumo kula macaamilaan. Sidoo kale khubarada hay’adda Win-gullup waxa ay sheegayaan in dhaqaale korodhka ama ugu yaraan dakhliga fardiga ah oo aad u kordhaa uu ka mid yahay sababaha dadka ku riixa ka fogaanshiyaha diinta, taasina ay tahay sababta dalalkan dadkoodu ladan yahay ay ugu badan tahay diin la’aantu.

Si guud marka loo eego tijaabo lagu sameeyey dadka 57 dal oo dunida ku filqan, waxaa la ogaaday in dadka diinta ay aaminsan yihiin ku dheggen ama cibaadadeeda ku dhaqmaa ay gaadhayaan illaa boqolkiiba 59, in kasta oo ay tiradani weli badan tahay, haddana marka loo eego tiro-koobkii la sameeyey sannadkii 2005-ta waxaa muuqanaysa in ay 9 dhibcood hoos u dhacday oo xilligaa ay ahayd boqolkiiba 66, halka ay diin la’aantu kor uga kacday boqolkiiba 7, dalka Faransiiska ayaa isna ka mid noqday dalalka ugu badan ee ay dadkooda diin la’aantu k usii badanayso.