Magaca Mo Farah Oo La Raacin Doono “Sir” Iyo Sanaaduuq Booseed Oo Lagu Sharfay

0
1836

 

Picture2London (Geeska/Dailymail)- Halyeyga reer Somaliland ee haysta dhalashada Ingiriiska Mo Farax ayaa biladihii uu dhowaan ku guulaystay ku mutaystay in magaciisa la raaciyo ‘Sir’, isla markaana laba sanduuq oo ah boostada dhukumentiyada la isku daro  lagu sharfo.

 

Mo Farax ayaa la sheegay in talaabada magaciis alagu raacinayo qadarinta Sir, ay dhowaan soo jeedin doonaan xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska ee Downing Street.

Orodyahankan oo la weydiiyey siduu u arko in magaciisa la raaciyo Sir, ayaa intuu qoslay sheegay, “taasi way qurux badnaan doontaa”

Sidoo kale halyeygan ayaa guulahii uu soo hooyey awgeed lagu sharfay in laba sanduuq oo ah boostada lagu buufiyo midabka dahabka oo ku kala yaala xaafada Iselworth oo uu ku barbaaray iyo xaafada Teddington, oo tabarada uu ku qaato.

Mo Farax ayaa intaan ciyaaraha Olmpic-gu bilaabmin sheegay inuu doonayo bilado u qaado inta aanay hablihiisu  dhalan, taasoo xilligan riyadaasi u rumowday.