Wasiirka Khaarajiga Oo Hortagay Guddiga Joogtada Ah Ee Wakiilada

0
661

 

DSC09021Hargaysa(Geeska)-Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin s la yeeshay wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar. Shirkaas oo ay sheegeen guddigu inay xogwaraysi kala yeelanayeen wasiirka siyaasada arimaha dibadda ee Somaliland halka ay marayso iyo guuxa ka dhex jira shacabka sidii ay wax uga waydiin lahaayeen arrimaha shirkii Nayrobi. Xidhibaanada ayaa ku tilmaamay in kulan kaas dhex maray iyaga iyo wasiirka arimaha dibadu ku dhamaaday is afgarad.

Is xog waraysiga kadib, wasiirka rimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa saxaafadda la hadlay, isaga oo tibaaxay inay kawada hadleen guddiga siyaasada arimaha dibada ee Somaliland iyo ictiraaf raadinta loogu jiro inay Somaliland noqoto qaran madax banaan, mar uu arrimahaas ka hadlayna waxa uu yidhi “Sida laga war qabo golaha wakiladu waxa uu hada ku maqan yahay fasax, waxaana hawshoodii halkii ka sii wada guddiga joogtada ah ee golaha oo hadhaw wixii warbixina u gudbin-doona golaha. Waxanu iska waraysanay guud ahaanba qadiyada Somaliland, siyaasada arimaha dibadda, hawlaha qaranka u socda ee ictiraaf doonka leh ee wanaajinta xaga xidhiidhka caalamka leh, ee iskaashiga xaga dhaqaalaha iyo maalgashigaba leh. Sifiicana waanu isku waraysanay waxii talooyin iyo aaraaba labadayada dhinac ah waanu isu gudbinay. Si aad iyo aad u wanaagsana ayey  noogu dhamaatay.”

Dhanka kale waxa aan wax ka waydiinay guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada oo iyagu ahaa kuwii shirka albaabadu u xidhan yihiin la qaatay wasiirka rimaha dibada. Ugu horayn  xidhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)  oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ee golaha wakiilada  oo ka hadlaya kulankii dhex maray guddiga iyo wasiirka, ayaa yidhi  “Wasiirka waan u yeedhnay aad ayuu u mahadsan yahay wakhtigii aan la balanayna waa noo yimid, sifiican ayaan isu waraysanay shirkii Nayrobi ayuu nooga waramay, xilidhibaanaduna su’aalo ayey waydiiyeen, markaa insha alaahu gole-waynahaanu kaga warami doonaa, waxbana wasiirka islamaanaan waayin xogtiisiina waanu ku qanacnay”

 

Sidoo kale xidhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ku qanceen xogtii uu wasiirku ka siiyay wasaarada arimaha dibada ee Somaliland, islamarkaana ku tilmaamay siyaasada arimaha dibada ee xukumaada inay tahay mid cad waxaana hadaldiisa ka mid ahaa “Maanta (Shalay) waxaa nooyimid wasiirkii arimaha dibada isaga oo laga waraysanayo dareenka guud ee shacbigu Somaliland ay qabaan, xidhibaanaduna maadama ay wakiil ka yihiin shacbiga inay u gudbiyaan fariintaas ayaanu su’aalo iyo jawaabo isku waydaarsanay.

 

Waxaana nooga soo baxay shirkaasi wax cad oo ah in aanay siyaasada Somaliland iyo xukumaadeedu aanay marnaba is badalin, in qadiyada Somaliland aanay gorgortan lahayn, cid loo daba fadhiisanayaana aanay jirin. Shirarkan iyo ka qayb qalkeeduna waa hawl maalmeedka xukumaada iyo sidii looga iibin lahaa qadidiyada Somaliland caalmka ”