Maayar Jiciir Oo Ka Hadlay Xero Jaadda Oo La Sheegay Inuu Iibiyay, Sheegayna In Xidhiidhka Ka Dhexeeyo Xukumadani Ka Fiicanyahay Tii Rayaale

0
860

 

jiciiriHargeysa(Geeska)-Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa beeniyay inuu iibiyay goobta ay ku taalo xero jaadda Hargeysa oo maalmahan la sheegay in laga bineeyay dhismayaal kala duwan.

Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee golaha deegaanka Hargeysa, ayaa maayar Jiciir ku eedeeyay inuu dhulkaas iibiyay, ka dib markii sida uu sheegay uu soo dhammeeyay dhulkii kale ee danta guud ahaa. Hase yeeshe Maayar Jiciir, ayaa sheegay inaanu xildhibaan Yuusuf Kirix ahayn guddoomiyaha arrimaha bulshada, waxaanu eedayntiisa ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin. Maayar Jiciir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in dhulkaas loogu tallo galay inay maalgashadaan muwaadiniin reer Somaliland ahi.

Maayar Jiciir waxa kale oo uu sheegay in xidhiidhka wad shaqayneed ee uu la leeyahay xukuumadda Madaxweyen siilaanyo uu ka wanaagsanyahay wada shaqayntii ka dhaxaysay xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Maayar xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ah guddoomiyaha Arrimaha bulshada ee golaha deegaanka Hargeysa wuxuu kugu eedeeyay inaad iibisay dhulkii xero jaadda Hargeysa. Arrintaas maxaad ka qabtaa?

Dhulkaa dib ayaanu u dhisaynaa, meeshan ku xigta ee qashinka ahna waanu balaadhinaynaa oo waanu dhisaynaa, markaa warkaas waxba kama jiraan waana war been ah, markaa meesha dad la yaqaan ayaaba dhul ku le oo waaban maal galinay anagu, waxaa jirta islaan Maxamed X Ibraahim Cigaal eddo u ah oo dadka maal gashaday ku jirta oo alaabta farshaxanka ah iibisa.

Maayar Jiciir ma waxaad leedahay wax la iibiyey oo dawlada hoose soo maray ma jiraan?

Wax la iibiyay ma jirto ee sida guryahay caadiga ah loo maal gashado weeyaan, waxaanan uga faa’idaynay maadama oo ay meeshu tahay gudaafad saxarada la dhigo dadka danaynaya, waxaanan u jeedinaynaa dhankan wadada u jeeda. Waxaas ay akhriyeena waa been aan sal iyo raad lahayn, waxa aanu hubin in uu sheego may ahayn, waxayse ahayd ilayn waa xildhibaan’e in uu anaga na waydiiyo, gudoomiyaha uu sheeganaayo ee arrimaha bulshada maaha ee wuu iska caashaqay ayaan filayaa, wuxuu sheegayaana waa been, laba sanno ka hor ayuu xilkaa ka dhacay.

Halkee ayay maraysaa hawshii baadhiseed ee hanta dhawrku ka waday dawladda Hoose?

Hanti dhawrku wuxuu wataa shaqadiisii, waanay eegaan oo ilaa hadda way ku jiraan. Hanti dhawrkuna waa in wixii khalad iyo sax ah ee uu arko uu sheego, hanti dhawrku wax laga baqo maaha oo anaga ayaaba u yeedhanay. Waxaanu sheegayaa dadka cashuuraha khaldaya iyo cidii lacagta si kale u qalada ee xisaab xisaab kale dul dhigta.

Waa sidee xidhiidhka adiga iyo xukuumadda cusubi?

Xukumada iyo dawlada hoose si fiican ayey u wada shaqeeyaan oo waxaad ka garan kartaa 18 May sidii aanu u wada soconay madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddigii qaban qaabada sidii aanu wada shaqaynta u lahayn, taas oo la odhan karo waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn heer sare ah, waliba xukumadii hore wada shaqaynta aanu hadda leenahay xukumada cusub ayaa ka fiican.

Maxaad kale ee aad doonaysaa inaad qabato?

Jaamaca gunti oo aanu imaka iyana ka rarayno meesha oo maal gashiya ayaa jirta, waxaanu wadnaa iyana xaafadaas isha Boorame oo aanu sariibad ka dhisayno, wadada boqol iyo kontanka 2km ayaanu wadnaa, saddex wado ayaanu wadnaa oo xaga Sheekh Madar ah iyo xaafada lug iyo lacag la yidhaahdo oo aanu iyana gacanta ku hayno, dhanka Axmed Dhagax waxaanu wadnaa laamiga ka foorara guriga Nacnac iyo intii ka hadhay ee isku xidhaysay Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ee u dhaxaysay libaaxyada iyo Oktoobar. Isu gayn ilaa sideed wadano gacanta waanu ku haynaa khatigan.