Ajandihii Golaha Guurtida Oo Lagu Daray Xeerka Isgaadhsiinta Dalka

0
950

 

DSC09043Hargeysa (Geeska)- Golaha guurtida Somaliland ayaa shalay loo qaybiyey qodobada uu ka koobaan doono kal fadhiga 44-aad, kaas oo ay ku jiraan qodobo hore dalka u galiyey dareeno kala duwan, waxaana fadhigaas ka soo qayb galay xildhibaano ku cusub golaha.

Gudoomiye ku xigeeka labaad ee golaha Md Siciid Jaamac Cali oo fadhigaas gudoominaayey ayaa mudanayaasha ku war galiyey markii loo qaybiyey qodobada uu ajanduhu ka koobaan yahay in maanta oo salaasa ah la gudo gali doono dooda kal fadhigaas, waxaana hadalkii gudoomiye ku xigeenka 2-aad ka mid ahaa “Mudanayaal wakhti badan ma haysano oo wuu inagu kooban yahay wakhtigu, markaa waxa loo baahan yahay inaad Ajandaha maanta oo qudha soo haysataan, dabadeedna aynu berito iskugu soo laabano ansixintiisa, fadhiguna wuu xidhan yahay."

Qaar ka tirsan xildhibaanada golaha guurtida ayaa dib u dhiga dooda kal fadhiga ku tilmaamay mid baal marsan xeer hoosaadka golaha, isla markaana eedo u soo jeediyey shirgudoonka guurtida.

 

Qodobada uu ka kooban yahay kal fadhiga cusub ee golaha guurtida waxaa ka mida, warbixin guddiga joogtada ah ee guurtida, xaalada siyaasadeed ee dalka oo kala ah:- arrimaha dibada iyo arrimaha guddaha. Xeer ka soo gudbay golaha wakiilada oo ah ka ugu muranka iyo dooda badan, isla markaana ay ku kala aragti duwan yihiin mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanku, kaas oo ah xeerka isgaadhsiinta ee dalka.

Sidoo kale waxaa golaha guurtida kulamada dooda ugu jiri doona arrimaha nabad-gelyada ee dalka, taas oo salka ku haysa doorka golaha guurtida kaga aadan ilaalinta amniga iyo horumarinta nabad galyada. Waxaa geesta kale lagu lafa guri doonaa fadhiga guurtida xaalada siyaasadeed iyo nabad galyo ee gobolada bariga sida Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaas oo haatan ay ka taagan tahay amaan daro, marka laga reebo gobolka Sanaag.

Arrimaha kale ee lagu soo qaadi doona kal fadhiga waxaa ka mida heerka cadaalada iyo garsoorka ee dalka.