Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ku Faanay Inay Xukuumada Siilanyo Isbedel Keentay, Kana Hadlay Safar Uu Borama Ku Joogo Iyo Dayacnaanta Gaadidka Dawlada

0
620

 

Ismaaciil Muumin AareHargaysa ( Geeska )-Wasiirka wasaarada Hawalaha Guud iyo Guryaynta Md. Ismaaciil Muumin Aar ayaa ka xog waramay safar shaqo oo ay isaga iyo wasiirka wasaarada dib  u dejinta  Cabdirisaaq Cali Cismaan ay ku joogaan magaalo madaxda gobalka Awdal ee Booram.

 

Wasiirka oo wargaysa Geeska Afrikauu xalay la yeeshay waraysi gaar ah, wuxuu is barbar dhig ku sameeyay xukuumadii ka horaysay tooda ee Daahir Rayaale iyo xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inay mudadas muujiyeen isbedel la taaban karo. Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay gaadiidka dawladda ee dayacan iyo arrimo kale. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir safarkan aad ku joogtaan gobalka Awdal adiga iyo wasiirka wasaarada dib u dajinta waxa aad nooga warantaa waxa uu la xidhiidho?

Safarkayagu waxa uu la xidhiidhaa xaalada gobalka iyo nabadgalyada iyo horumarka iyo isku duubnida sidii uu dadku isugu duubnaan lahaa. Waxyaabo yar yar oo jirana in aan isku soo dhawayno oo aan sacabka aan marino ayaa kamida.

Warbaahinta qaar ayaa qoraya inuu safarkiinu la xidhiidho khilaafkii ka taagnaa ugaaska beelaha Samaroon arintaas maxaa kajira?

Bulshadu meel kasta oo ay joogto waxay isku khilaaftaa waa uu jiri karaa, lakiin maanta arintaas aad iyo aad ayay u fiicantahay, aad iyo aad ayay dadkuna u fiican yihiin in sacabka la yara mariyo oo la yar dhameeyo waxyaabo yar yar ayay u baahantahay. Anagana imika meel fican ayay wax noo marayaan, wax khillaafa iyo wax dhiba oo waynina majiro ee qaababkii loo kulmi lahaa uun ee loo wada hadli lahaa ee loo sheekaysan lahaa ee dareenka qaranimada iyo walaaltinimada aanay qarinin waxyaabo yar yari ayuun baan aniguna aan ku boorinaynay, waanay noo wanaagsantahay.

%