Raali Gelin Ayaan Ka Dalbanayaa Wasiir Axmed Xaashi Oday

1
811

 

Marka hore Eebe ayaa  mahad oo dhami u sugnaatay. Marka labaad aniga oo ah Khadar Mahamed Gahayr , ahna ardaygii ugu sareeyay ardaydii sanadkan ka qalinjabisay jaamacadda Hargaysa  waxaan maqaalkan kaga jawaabayaa dhaleecayn iyo weerar shakhsi ah oo uu meel fagaare ah iga  dhaleeceeyay wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta ee Jamuuriyada Somaliland Axmed Xaashih Oday.

Runtii waxa ay ahayd arin Fajiciso igu noqotay markii qaar ka mida martidii iyo ardaydii ka qaybgashay xafladii qalin jabinta ee jaamacadda Golis ii soo sheegeen war xambaarsan in Wasiir Oday iga dhaleeceeyay fagaarihii xaflada. xusuusta ayaan dib u celiyay oo aan iswaydiiyay tolow muxuu yahay gafka aad ka gashay wasiirka ee keenay in uu fagaare kaa dhaleeceeyo si qaawan. Ma hanti ayaad ka dhacday? Ma sharaftiisa ayaad waxyeeshay? Ma ehelkiisa ayaad qalad ka gashay iyo su’aalo kale oo lamida ayaan is waydiiyay. Jawaabtu waxa ay noqotay maya oo waligay maanu wada hadal, ismanu arag, ehelkiisana ma aqaan. Markii aan  is waydiiyay sababta dhaleecayntiisa iyo waxa salka u ah, waxay ii sheegeen in wasiirka dhaleecayntiisu ahayd inanka jaamacadda Hargeysa u sarreeyay ayaa ka qaybgalay shirkii beeshiisa ee Dubur ka dhacay. Arrintaas oo uu dhaleecayn wayn iigu soo jeediyay iguna duray ceebna iiga dhigay.

Shirka aan ka qaybgalay waxaa uu ahaa shir ay joogtay beeshaydu lagagana hadlayay arrimo horumar, anna waxaan u tagay in aan ku biiriyo wixii fikir iyo aqoon aan hayo, Beeshuna way igu sharaftay waanay igu soo dhowaysay waxaanay iga dhigeen midka mida shantii nin ee shir gudoonka shirka ( chairing committee).

Beel nimada ama qabiilku maaha wax ceeb ah oo ilaahay baa yidhi “waxaanu idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isugu garataan”. In la wada tashadaana maaha qalad ama ceeb oo Ilaahay baa muslimiinta ku amaanay in ay yihii dad wada tashada.  Markaa beeli way shiri kartaa in laga qayb galaana maaha qalad, aqoon iyo diin diidaysaana ma jirto. Qofka arintaa cidku dhaleeceeyaana maaha qof si miisaaman wax u eegay.

Runtii waa wax aanan qaadan karin dhaleecaynta qaawan ee wasiirku igu la kacay, waana wax aad looga xishoodo in nin masuul qarani waxaa soo kale  oo qof si badheedha u weeraro.

Guntii iyo gababadii raali galin buuxda ayaaan ka sugayaa wasiirka Axmed Xaashi Oday dhaleecaynta shakhsiga ah ee walibana fagaaraha iga dhalleeceyay.

Khadar Mahamed Gahayr

Ardaygii ugu sarreeyey ardaydii ka qalin jebisay sannadkan Jaamacadda Hargeysa.

Comments are closed.