Geedkii Uu Madaxweyne Siilaanyo Kal Hore U Beeray Shuhaadada SNM Oo Qalalay

1
710

 

Hargeysa(Geeska)-Geed uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u beeray in lagu xuso shuhaadada SNM ayaa daryeel la’aan iyo waraab la’aan u qalalay.

Geedkaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo kal hore 17 Oktoober, 2010 ka dhex beeray wasaaradda warfaafinta si loogu xasuusto shuhaadadii dalkan ka xoreeyay keli taliyihii dawldii Maxamed Siyaad Barre, ayaanay jirin cid uga dambaysay beeristii Madaxweyne Siilaanyo oo dib u daryeeshay, waxaanu noqday keliya magac ahaan. Geedkaas oo haddii looga shaqayn lahaa sidii la rabay noqon lahaa mid maanta baarka la soo baxa, ayaa u muuqda inuu hagaasay. Madaxweyne Siilaanyo ayaa geedkaas wasaaradda warfaafinta ka dhex beeray kal hore,  waxaanu abqaalay maalinta loo asteeyay in lagu xuso shuhaadadii SNM oo ah 17 Oktoobar.

Comments are closed.