Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Oo Xalay Gudoonsiiyey Kooxda Negaad Koobkii Bisha Ramadan Ee Tartankii Kubada Kolayga

0
596

 

iyaarahWasiirka Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha Mudane Siciid Cali Raygal ayaa xalay gudoonsiiyey kooxda Negaad koobkii tartanka bisha Ramadan ee ka socday garoonka Timacade ee magaalada Hargeisa.

Kulankan Finalka ah oo ay iskaga horyimaadeen labada kooxood ee kala ah Negaad iyo Nasiye ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Aadan Qodax, Xildhibaan C/laahi Xuseen (Balaaki) Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Maxamuud Xasan C/laahi (Qodax), Gudoomiyaha Xidhiidhka Jesta Mustafe C/raxmaan C/laahi (Gargaar).

Tartankan oo ay kasoo qayb galeen 12-kooxood oo heerka koowaad iyo heerka labaad ah oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Ciyaaraha oo la kaashanaysa xidhiidkhka kubada Kolayga

Kulankan xalay ayaa dadweyne aad u tiro badani ay soo buux dhaafiyeen garoonka Timacade waxaana ciyaarta guushu ku raacday oo hantay koobkii tartanka bisha Ramadan kooxda Negaad oo ku guuleysatay 47-dhibcood halka kooxda Nasiye ay la timid 42-dhibcood.

Ka dib markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa xaflad lagu qabtay garoonka dhexdiisa uu wasiirku kooxda Negaad uu ku gudoonsiiyey koobkii ay hanteen halka kooxda Nasiye koobkii kaalinta labaad la gudoonsiiyey.

Dhanka kale kooxda SOHASCO ayaa la gudoonsiiyey koobkii heerka labaad oo isna socday bisha Ramadan waxaanay ay ka guuleysteen kooxda ku ciyaaraysay magaca wargeyska HUBAAL.

Gabo gabadiina waxaa abaal marino kala duwan la gudoonsiiyey ciyaartoygii ka qayb qaatay tartankii sida Gool dhalinta, Shuudka fog ee Three Point-ka guud ahaan si wanaagsan ayaa loo soo gunanad.