Abwaan Muuse Aaye Oo Shalay Galab Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
1154

 

odayHargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay gabal dhicii magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Muuse Aaye Faarax, oo muddooyinkii u dambeeyay u jiifay xanuun.

Abwaan Muuse Aaye Faarax, oo ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, Alle haw naxariiste waxa uu ahaa hal abuur caan ku ah gabayada ilaa wakhtiyadii lagu jiray halgankii ay reer Somaliland rorriyadooda kaga qaateen gumaystihii Ingiriska. Abwaan Dalmar Aw Haaruur, ayaa Geeska Afrika u sheegay in Marxuum Muuse Aaye Faarax, qiyaastii dhashay sannadkii 1922, isagoo kudhashay agagaarka magaalada Hargeysa. “Abwaanku waxa uu ahaa nin caan ah oo dhulka Somalida laga yaqaano, waxaanu ku dhashay agagaarka magaaladan Hargaysa ku dhawaad sanadkii 1922-kii, inta uu noolaana waxa uu ahaa magaalo joog.” Ayuu yidhi Dalmar Aw Haaruun, waxaanu intaas raaciyay “ Waxa uu ka shaqayn jiray cisbitaalkan guud ee Hargaysa, waxaanu ahaa cunto kariyahii ugu horeeyay ee uu Ingiriisku keenay markii cusbitaalka la dhisay, sidaas ayaanu Ingiriisku kaga tagay isaga oo shaqaale ah.”

Dalmar Aw Haaruun, wuxuu sheegay in Muuse Aaye Faarax, ahaa abwaan la gaban gabayadiisa, cidduu doonaba hala hadlee, isagoo xataa suugaan kaga qayb qaatay halgankii SNM ay ku soo celisay madaxbanaanidii Somaliland.

Geesta kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa warsaxafadeed uu xalay soo saaray waxa uu tacsi u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan umadda reer Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Abwaan Muuse Aaye Faarax.