Tartan Uu Maal-geliyay Musharax Cabdiraxmaan Soltelco Oo Lagu Soo Geba-Gabeeyay Xarunta Agoomaha Hargeysa

0
443

 

Picture1Hargeysa(Geeska)- Tartan kubadda koleyga ah oo ah tartankii labaad ee kubadda koleyga ee bisha Ramadaan lagu qabto magaalada Hargeysa ayaa xalay la soo geba-gabeeyay, isla markaana ay ku guulaysatay koobkii tartankaas kooxda Hope ee kubadda koleyga ee xarunta agoomaha Hargeysa.

 

Tartankan koobka Ramadaanta ee ka dhacay garoonka xarunta Agoomaha Hargeysa oo markii ugu horeysay bishan Ramadaan noqday tartankii labaad ee ka hirgala qabashadiisu magaalada Hargeysa, iyadoo sannadihii hore la qaban jiray tartanka Tima-cadde lagu qabto oo keliya, ayaa waxaa maal-geliyay Musharaxa xisbiga Kulmiye uga sharaxan Golaha Degaanka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Ciyaartii kama-dambaysta oo ay isugu soo baxeen labada kooxood ee Hope iyo Madrid, ayay koobkii ku guulaysatay kooxda Hope, iyadoo munaasibaddii lagu soo geba-gabaynayay tartankan oo xalay garoonka xarunta Agoomaha Hargeysa lagu qabtay ayaa lagu gudoonsiiyay kooxda Hope koobkii tartankan iyo abaalmarintii kaalinta koowaad.

Hase yeeshee ka hor intaan koobka la gudoonsiin kooxda ku guulaysatay halkaas ka hadlay masuuliyiintii ka qayb-gashay munaasibadda xidhitaanka tartankan kubadda koleyga ee bisha Ramadaan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mustafe Qodax, Xoghayaha guddida Olympic-ga Somaliland, Khaalid Aadan Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Faarax (ilka-case), guddoomiyaha garoonka xarunta Agoomaha Hargeysa Mr. Shaadhey iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyn Xoghayaha Guddida Olympic-ga Somaliland, Khaalid Aadan oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa u mahadnaqay Musharax Cabdiraxmaan Soltelco ee isagu maalgeliyay tartankan, waxaanu sheegay in tani muujinayso in musharaxani hiigsigiisa wax-qabad yahay mid dhab ahaan ka turjumaya doonistiisa uu doonayo inuu wax ugu qabto dhallinyarada soo kacaysa. “Ninka (Musharaxa) isagoo aan xil qaban xusuustay xaruntii agoomaha iyo dhallinyarada xaafaddan inuu koob u qabto, markuu xilqabtana waxaa hubaal ah inuu awoodo doono inuu dhiso garoomo, waxna ka qabto marxalada dhallinyaradu wakhtigan ku jirto,” ayuu yidhi Xoghayaha Guddida Olympic-ga Somaliland.

Agaasimaha Kalluumaysiga, Maxamed Faarax (Ilka case) oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa dhallinyarada ugu baaqay inay kor u qaadaan heerkooda ciyaareed, isla markaana ay ku dedaalaan inay hiigsadaan mustaqbalkooda ciyaareed, waxaanu Agaasimaha Kalluumaysigu kula kaftamay dhallinyarada ciyaaruhu inay cunnaan kalluunka, waxaanu yidhi: “Maxamed Faarax (Orodyahanka u dhashay Somaliland) wuxuu heerkaas ku gaadhay waa kalluunka oo cuno, ee idinkuna kalluunka cunnaa si aad heer uga gaadhaan ciyaaraha.”

Musharaxa Golaha Degaanka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco, oo isna halkaas ka hadlay ayaa dhallinyarada ku dhiiriyey inay ciyaaruhu yihiin kuwo keeni kara aqoonsiga Somaliland in ka badan labaatanka sannadood beesha caalamka ka baadi-goobaysay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Dadkeena reer Somaliland laba arrimood ayaynu hidde u leenahay oo ah suuggaanta iyo Ciyaaraha. Waad daawanayseen orodyahanka Maxamed Faarax guushii uu u soo hooyay Somaliland iyo dalka Britain, waxaan hubaa inay idinka soo bixi doonaan ciyaartoydii kubadda koleyga iyo orodaduba haddii aad dedaashaan laftiinu. Aniguna haddii aan ku guulaysto hankayga musharaxnimo ee aan ku hiigsanayo Maayarka Hargeysa, waxaan balanqaadayaa saaxadii iyo garoomadii hawshaasi idiinku fuli lahayd inaan idiin hirgeliyo. Waxa kale oo aan balanqaadayaa haddii aan doorashada ku soo baxo iyo haddii kaleba, inaan garoomada xarunta agoomaha iyo ciyaarahoodaba aan aad u taageero. Ta kale heerka dhallinyarada isboortiga oo kor u kacdaana waxay suurto-gelin karaan aqoonsi ay Somaliland hesho.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mustafe Qodax oo isagu soo geba-gabeeyay munaasibaddaas ayaa isagu ammaanay dhallinyarada iyo maamulka garoonka xarunta Agoomaha Hargeysa akhlaaq fiicnaanta ay muujiyeen iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee tartan noocan ah lagu qabto garoonkaas.

Sidoo kale wuxuu Agaasimaha Ciyaaruhu mahadnaq u jeediyay Musharax Cabdiraxmaan Soltelco. “Waxaanu wasaarad ahaan u mahadnaqaynaa Musharax Cabdiraxmaan Soltelco oo isagu idinka caawiyay inuu halkan ka suurto-galo tartankii labaad ee kubadda koleyga ee bisha Ramadaan, laguna qabto xarunta agoomaha Hargeysa,” ayuu yidhi Mustafe Qodax.

Geba-gebadiina wuxuu Agaasimaha Guud ee Ciyaaruhu koobkii tartankaas iyo abaalmarinaba guddoonsiiyay kooxda ku guulaysatay ee Hope. Sidoo kale waxa uu Agaasimaha guud abaalmarino gudoonsiiyay kooxdii kaalinta labaad ku guulaysatay, ciyaaryahankii ugu ciyaarta fiicnaa tartanka iyo ciyaartoygii ugu akhlaaqda fiicnaa.

Tartankan ayaa waxa ka qayb-qaatay lix kooxood oo kubadda koleyga ah.