Wasiirka Cadaaladda Oo Ka Hadlay Kulan Ay Xubno Wasiiro Ahi LaYeesheen Gudiga Cadaalada

0
458

 

cadalaadaHargeysa(Geeska)-Guddi wasiiro ah oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u saaray inay ka war keenaan tabashooyin uu sheegay in laga tabanayo maxkamadaha dalka, ayaa shalay kulan la yeeshay guddiga cadaaladda.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Iyo Garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ka hadlay shir albaabadu u xidhanaayeen oo ay wasiiro uu horkacayaa shalay la yeesheen guddiga cadaaladda.

Kulankaasi ka dib ayuu Wasiirka Cadaaladdu ka hadlay qodobadii kulankaasi lagu faaqiday isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Kulan ay yeesheen guddidan ee madaxweynuhu u xil saaray cadaaladda iyo garsoorka waxa lagaga hadlayey sidii loogu kuurgeli lahaa cabashooyin ka soo yeedha dadweynaha oo la xidhiidha cadaaladda iyo garsoorka taas oo aanu eegaynay waxyaabaha caqabadda ku ah tayeynta maxakamadaha iyo cadaaladda.”

Md. Xuseen Axmed Caydiid oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Garsoor aan lacag qaadan meel madhan laga yab-yaba y oo dhawaan la sameeyey ayaa la leeyahay maxay wax u qaldeen , arrinkani waa mid laga wada tashan doono , marka meel la gaadhana waxaa muhiim ah in la isqiimeeyo .“
Kulankan ayaa la sheegay inay labada dhinac ku dhex martay dood adag. Guddiga cadaaladda ayaa wasiirada ka codsaday inay soo bandhigaan dhaliisha ay ka sheegayaan maxkamadaha dalka, waxaana la sheegay inay wasiiradu soo bandhigeen dhawr dhacdo, laakiin guddiga caddalada ayaa la sheegay inay arrimahaas iska difaacday.