Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Inay AMISOM Weerarto Magaalada Klismaayo

0
503

 

Amisom3Kismaayo (Geeska/Redpeper)- Qaramada Midoobay ayaa shalay ka digtay weerarada ku waajahan magaalo-xeebeedka Kismaayo, oo ah magaalada ay ku xoogan yihiin maleeshiyaaadka Al Shabaab. 

U qaybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka Somaliya Mr. Mark Bowden, ayaa ka digay weerar lagu qaado halkaas, oo uu ka digay inuu waxyeeli dooni gargaarka“Dagaal ku saabsan gacan ku-haynta maamulka magaalada ayaa taagan,” ayuu sheegay  Mark Bowden, U Qeybsanaha gargaarka ee Soomaaliya, ee ku saabsan wararka duqeynta cirka iyo dhulka dhowaanahan.

Ciidmaada AMISOM, kuwa Itoobiya iyo qeybo kala duwan oo ciidamada Soomaaliya ayaa ku waajahan magaalada Kismaayo, o oil dhaqaale muhiim u ah Shabaab.

Wiigii hore, saraakiil Shabaab ah iyo dad degan magaalada ayaa sheegay in saddex shicib ah ku dhinteen duqeymo gantaalo ka dhacay dekeda, oo maraakiib aan la garanayn soo rideen.

“Waxaan aad ula socdaa wararka dhowaan ka soo baxay dhaawaca shacabka ee Kismaayo, ee sababeen duqeymaha maraakiibta iyo kuwa diyaaradaha,” ayuu yidhi Bowden. Isagoo raaciyey,  “Waxaan ku celinayaa in dhinacyada isku haya dagaalkan ay yareeyaan waxyeelada shacabka, isla markaana u fududeeyeen gargaarka bani’aadmi inuu gaadho kuwa baahan.” 

Wararka dagaalkan muddo la saadaalinayey ayaa imanaya dagaal sideed sannadood xukuumada taagta daran ku jirtay, taasoo xilkoodu dhamaan doono labaatanka bishan.

Saddex diyaaradood oo Ugandha lahayd kuna soo jeeday Soomaaliya ayaa ku dhacay Kenya axadii taasoo ugu yaraan laba askari oo Ugandha ah ku dhinteen.  Diyaaradahaa ayaa wax badan ka tari lahaa ciidamada weerarka ku sii wada magaalada Kismaayo.