Daahir Rayaale Iyo Axmed Yuusuf Miyay Seegtay Odaytinimadii Iyo Dulqaadkii? , Waxa Qoray Maxamed-Rambo

0
457

 

odayIyadoo ay guddiga doorashadu 28 November 2012 u qoondeeyeen inay qabsoonto doorashada goleyaasha deegaanku, ayaa xisbigii ugu horeeyay axsaabta iyo ururada siyaasadda ee UDUB, uu u muuqdaa mid ka siibanaya salaanka siyaasadda ee Somaliland. Xisbigu wuxuu u dhutinayaa khilaaf ka dhex oogan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Labadan masuul oo ka hor guuldaradii ka raacday doorashadii madaxtooyada iskaga hooseeyay xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa khilaafkoodan xisbiga oo dhami u maaro waayay wuxuu u muuqdaa mid maalinba maalinta ka dambaysa sii siyaadaya. Tiraba guddiyo tiro badan oo ka tirsan waayeelka xisbiga ayaa isku dayay inay xal u helaan khilaafka labada masuul, balse cid waliba way ku guuldaraysatay, rag badan oo ka mid ah ergadaas xilka isa saartayna waxaabay hadda sheegeen inay iskaga baxeen gebi ahaanba xisbiga.

Dad badani waxay qabaan in khilaafkoodu u muuqdo xifiltan siyaasadeed, oo uu mididba midka kale ku carigsanayo amaba uu doonayo inaanu u soo dabcin. Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu habeen hore Geeska Afrika, u sheegay warwarka uu ka qabo in xisbiga la  badbaadiyo, waxaanu sheegay hadal laga akhrisan karo inuu wax kasta oo khilaafka xisbiga lagu xalinayo diyaar u yahay, haddana waxa hadalkiisa ka muuqata inuu xadhiga khilaafka sii giijinayo, “Maadama oo doorashadii lagu dhawaaqay oo ay dhawdahay waxaan jeclahay si xisbiga loo badbaadiyo in hoggaankayagu uu meesha baneeyo, aniguna sidaas diyaar baan u ahay si uu xisbigu u dhaqaaqo.” Sidaas ayuu yidhi Axmed.

Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isna la sheegay inuu diyaar u yahay kulan uu la yeesho Axmed Yuusuf Yaasiin, marka ay bisha barakaysan ee Ramadaan dhammaato, lamase garanayo ku tallo-gal cusub oo khilaafka xisbiga lagu xalinayo oo uu la shir iman doono, amaba haddii si kale loo dhigo uma muuqdo inuu la imanayo qorshe ka duwan kulamadii ay hore ugu kala kaceen oo midho ka soo saari kara wada hadalkooda qorshaysan. Marka ay sidaas tahayna midkoodna kama muuqdo wax tanaasul ahi, si xisbiga loo badbaadiyo.

Qaar ka mid ah dadka labadoodaba ku dhowdhowi waxay tibaaxayaan inay labada masuul sidan oo kale isku ahaayeen wakhtiyadii ay xilka hayeen, balse wax badan oo hadda qarsoomi waayay ay ku asturi jireen odaytinimo iyo culayska xilka ay qaranka u hayeen, waxaana la soo wariyaa inay dhawr goor isa seegeen maalmahoodii madaxtinimada qaranka balse marna si rasmi ah khilaafkoodu banaanka uma soo bixin. Khilaafyadaas hore oo aan daawo rasmi ah loo helin, ayaa la aaminsanyahay inay sababeen inay hadda is mari waayaan. Daahir Rayaale Kaahin, waxa lagu yaqaanaa degenaan iyo odaytinimo iyo weliba inuu wax badan ku dhaafo danta guud, halka Axmed Yuusuf Yaasiin isna lagu yaqaano dulqaad iyo inuu wax badan indhaha ka qarsado, waxase ay labadooduba hadda u muuqdaan inay miciyo kale isula soo baxeen oo ay waayeelnimadii iyo odaytinimadii meel iskaga tiiriyeen. Hase yeeshe marka laga tago khilaafkooda shakhsiga ah oo u muuqda middi middi ku taag, wuxuu is mari-waagoodu salaanka siyaasadda ka tuurayaa xisbiga UDUB oo ah xisbi magac iyo miisaan ku leh saaxadda siyaasadda.

Maxamed-Rambo, waa tifaftiraha guud ee maalinlaha Geeska Afrika oo Hargeysa ka soo baxa.