Wasiirka Caasimaadka Iyo Xubno La Jira Oo Ku Baaqay In Dhaqaale Lagu Taageero Mishiinadaa Kalyaha Lagu Sifeeyo

0
615

xoogeHargaysa( Geeska )- Wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxmed ( Xuseen Xoog ), agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargaysa, gudida cisbitaalkaas iyo ehelada dadka kalyaha loogu sifeeyo cisbitaalka guud ee Hargaysa, ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in loo baahanyahay in dhaqaale lagu  taageero mishiinada kalyaha loogu sifeeyo dadka ay kalyahu fadhiistaan.

Kulan  ay warbaahinta kula hadleen dhincyadan kala duwani ayaa ay kaga codsadeen ganacsatada, hantiilayaasha iyo qofkasta oo dhaqaale uu ku taageero haysta inay taageero u fidiyaan adeegyada dadka kalyahu fadhiistaan loo fidinaayo.

Kulankan ay warbaaahinta kala hadlayeen kooxdani ayaa ay ku sheegeen in ay ku adagtahay dadka kalyahu shaqayn waayeen ee adeegan kalyo sifaynta u baahan inay todobaad kasta dhaqaale bixiyaan, mishiinada kalyaha oo ay daawladu maalgalisayna ay u baahan yahiin kharash ay ku sii shaqeeyaan, waxaanay qaybaha kala duwan ee bushada ka codsadeen inay taageeraan dadka walaalahooda ee caafimaad daradu la soo daaristaay.

Ugu horaayn wasiirka caafimaadka Xuseen Muxumed Maxmed ( Xuseen Xoog ), oo kulankaas ka hadlay waxa hadaladiisa kamid ahaa “ Maanta kulankan aynu isugu  nimid waxa weeye inaan dadkeena dareen siino sida uu muhiimka u yahay mishiinka kalyahu maadaama oo ay bulshadeenaa ku jiraan dad badan oo ay kalyahoodu fadhiisteen, una baahan in si joogta ah loo sifeeyo, iyagana runtii ay ku adagtahay inay dhaqaalo ahaan wadi karan, waxiina uu kharash u baahanyahay lagu wado, inan dareen siino bulshadeena inay ka qaybqaatan oo waajibka halkaaas kaga aadaan ay gutaan.”

Wasiirku waxa sheegaay inay dawladu ka shaqaysiisay mishiinada kalyaha sifeeya ayna baxisay dawooyinkii ugu horeeyay ee lagu kaciyay, isla markaasna ay mushaharka siiyaan dhakhaatiirta ku shaaqeeya mishiinada oo ajaanib ah, dhakhaatiirtaas oo tababarna siiya dhalinyaro reer Somailand ah si ay ugu danbaynta gacanta ugu qabtaan mishiinadaas kalyaha sifeeya.

Ugu danbayntii waxa uu wasiirka caafimaadku hadalkiisa ku soo gunaanaday “ Waxaan ugu baaqayaa umadda, gaar ahaan kuwa reer Somaliland maadaama oo uu cisbitaalku ku yaalo Somaliland inay kalintaa kaga aadan ay ka qaataan si aanu isku taagin marshuucaasu, loona caawiyo dadkaas dhibaataysan.”

Agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargaysa Axmed Cabdi Cumar ayaa isagun dhankiisa waxa uu dad weynaha Somaliland u soo jeediyay inay ka qaybqaataan sidii uu adeegan caafimaad ee kalyo sifayntu ku sii jiri lahaa, waxaanu u soo jeediyay inay dhaqaale ku taageeraan marshuucan, waxaana hadalkiisa kamid ahaa “Hawshan waxaan doonaynaa inay dadka oo dhan kawada qaybqaataan, oo dadka reer Somaliland ay isugu tashadaan mid yar iyo mid weynba.Waxaan doonaynaa inaan dadka u sheego maanta qof u buka kalyaha ayaa jira, laakiin waxaad  ku talo gashaa inay bari noqon karaan dad badan, qof kastaana adeegan caafimaad waa uu u baahan karaa ee gurigaad baari imanaysay waa inaad wax sii dhigtaa, hadaynu meeshan wax tarno waxaynu badbaadinaynaa dadka u baahan adeegan ee dhiban.”

Xuseen Cabdi Cismaan oo kamid ah ehelada dadka kalyaha sida joogtada ah loogu sifeeyo cisbitaalka ayaa isaguna yidhi “Waxaan kamid ahay ehelada dadka buka waxaanan bukaanka ka keenay Naroobi, illaahaybaa mahadleh isagaana caafimaadka haya, qof kalyahii u shaqayn waayeen oo mishiin lagaga shaqaysiinaayo illaahay uunbaa garan kara, qof bukaankaas haya ayuun baana culayskeeda dareemi kara, maadaama aanay shaqo jirin xooga waxa yar ee la qaadaa waa wax na dhibaaya, iyada oo marka hadana loo eego kuwa dibada ay wax aad u yartahay, waxaan ka codsanaynaa walaalaheena illaahay wax siiyay bisha ramadaan inay taageeraan qabytan kalyaha ayaan ugu baaqaynaa.”

Rashiid Aw Maxamed Ibraahin oo ay xaaskiisu kamid tahay dadka cisbitaalka guud ee Hargaysa kalyaha loogu maydho ayaa sheegay in ay dhibaato xoogan dadka ka haysato lacaagta joogtada ah ee ay bixinayaan, waxaanu bulshada u soo jeediyay  inay mishiinkan taageeraan, maadaama ay ku xidhantahay nafaha dad  badan, waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Aniga xaaskayga ayaa ku jira qaybtan dadka kalyaha loo sifeeyo, runtii markaad eegto duruufaha dalka taagan waa arinta keentay hadalkan ee la xamili waayay, waxa halkan dadka laga qaadaa waa wax aad u yar, waxaan xaaskayga geeyay Dubai, waxaana yoomkii layga qaadi jiray 1800 oo Dirham, waxaana ka darnaa taas kharashka kale ee naga baxaayay, markii layidhi cisbitaalkii Hargaysa ayaa la keenay ayaan markiiba soo qaaday, imika macaankiibaa inagu badan, waana wax yaabaha sababa inay kalyahu fadhiistaan, ujeedada kaliyaata ee aan kulankan u qabanay waxa weeye in dadku wax la baxaan oo ay taageeraan goobtan caafimaad iyo dadka tabaalaysan, walaalayaal dadkiina hantiilayaasha ah ee sadaqada iyo sakadaba bixinayaa inaad qorshaha ugu wanaagsan ka dhigtaan sidaan u kaalmayn lahay dadkaa meesha jiifa ee awynu u caawin lahayn.”

Hadaba qofkii tageero u fidinaya dadka u baahan in kalyaha loo sifeeyo waxaa ay ugu hagaajin karaan Accoun 29645 oo ah shirkadda Dahab Shiil  ama tilifoonka 4410544 oo leh adeega Zaad..