Itoobiya Oo Joojisay Socdaaladii Muwaadiniintoodu Ku Tegi Jireen UAE Iyo Saamaynta Ganacsatada Ku Yeelan Doonto

0
720

DUBIAAddis Ababa- (Geeska/MoFA)- Xukuumada Itoobiya ayaa xanibaad saartay socdaaladii  muwaadiniinteedu ku tegi jireen dalka UAE ilaa heshiis lagu ilaalinayo xuquuqdooda la gaadho, sida Qunsulka guud ee Itoobiya u fadhiya Dubai, Mesganu Arga Moach sheegay.

Xanibaadan oo lagu sheegay mid kooban ayaa lagu sababeeyey inay meesha ka saarto cadaadis iyo jidh-dil loo geysan jiray dadkooda ka shaqeeya dalkaa, isla markaana Itoobiya doonayso heshiis UAE ku xaqiijinayso xuquuqaha dadkeeda.

Qunsulka guud ee Dubai u fadhiya Itoobiya, Meseganu ayaa sheegay in xafiiskoodu shan ilaa todan dacwadood maalin walba soo gaadho ku saabsan af-lagaadayn, mushahar siin la’aan iyo garaacid loo geysto muwaadiniin Itoobiyaan ah.

Shuruucda Itoobiya ayaa cadeynaya in wakiilada shaqaalahu ugu yaraan u fidiyaan caymis caafimaad iyo mushahar bil walba Dh660, ka dibna codsiyada loo diro wasaarada Shaqada Addis Ababa, oo aqoonsi uu dibedda kaga shaqeyso u samaysa qof walba.

Mr. Mesganu ayaa sheegay in xukuumada Itoobiya qorshaynayso sidii loo kordhin lahaa mushaharka, looguna dari lahaa heshiiska tigidh diyaaradeed khasab ah soo noqoshada shaqaalaha.

Safiirka UAE ee Itoobiya, Dr Yousif Eisa Hassan Alsabri, ayaa soo dhoweeyey xanibaada muwaadiniinta Itoobiya lagaga soo rogay socdaalkoodii UAE, oo u sheegay in loola jeedo, “Ilaalinta iyo xaqdhowrka dadka, una wanaagsan UAE iyo Itoobiya.” Isagoo raaciyey, in safaaradooda Itoobiya dersayso talaabadan, warbixina u diri doonto wasaarada SArrimaha Dibedda UAE, si go’aan uga gaadho.

Ugu yaraan boqol kun oo Itoobiyaan ah oo ku nool UAE, ayaa ganacsato badan oo baasaboorka Itoobiya haysta aan la saadaalin Karin saamaynta ay xanibaadaha socdaaladu ku yeelan doonaan ganacsigooda muddada dhow.

Rag Hargeysa ka qamaamay oo buux dhaafiyay magaalada Muqdisho