Xukuumadda Somaliland Ayaa Beenisay In Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Lagu Wareejiyay Ganacsade Ajaanib Ah Oo U Dhashay Dalka Cumaan, Kaasi Oo Dhawaan Warbaahinta Maxaliga Ah Sheegeen.

0
569

wasiirka-ganacsigaHargeysa(Geeska)-Wasiirka ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha ee Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa beeniyay inay ganacsade ajaanib ah ku wareejiyeen maamulkaha haamaha shidaalka ee Berbera oo markii ay xilka la wareegtay ay ka qaaday liisankii shaqo.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa baahiyay warar sheegaya in nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Pakistan ay xukuumadu ku wareejisay maamulka haamaha shidaalka ee Berbera. Hase yeeshe Wasiir Cabdirisaaq Khaliif, oo shalay u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefishanka HCTV, wuxuu beeniyay warkaas. “Haamaha shidaalka waxa hadda gacanta ku haysa wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, xukuumaduna waxay hore ugu qorshaysay in tartan loo galo maamulka haamaha.” Ayuu yidhi wasiirka ganacsigu, waxaanu intaas raaciyay, “Wasaarad ahaan inta aanu ka ognahay iyo guddiga qandaraasyada midna ma soo gaadhin ninka aad magaciisa sheegteen ee warbaahintu qortay, waxna nagamuu codsan, hawshii tartankuna weli waa qabyo oo hawsheedii weli waxa gacanta ku haysa dawladda.”

Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu intaas raaciyay inaanu wax xog ah ka haynin ninka ay xukuumadu sheegtay in maamulka haamaha lagu wareejiyay,  “Waxaan cadaynayaa in ninkaasi warbaahintu qortay iyo shirkadiisa midna anigu ma garanayo, inkasta oo ay jiraan shirkado la soo xidhiidhay wasaarada wakhtigii la baahyey in loo tartamayo maamulka haamaha shidaalka Berbera.”

Tan iyo markii ay xukumadu hawshii maamulka haamaha shidaalka ka wareejisay shirkadii TOTAL, waxa marba soo baxaya oo suuqyada lagu arkaa shirkado isugu jira kuwo maxali ah iyo kuwo goboleed guclo iyo orod ugu jira buuxinta jagadii ay shirkadda TOTAL  banaysay.