Wasiirka Caafimaadka Oo Safar Caalami Ah Ka Dib Hargeysa Ku Soo Laabtay

0
811

 

caafimaadkaHargaysa(Geeska)-Wasiirka caafimaadka ee jamuuriyada Somaliland Dr.Xuseen Muxumad Maxamed (xuseen xoog) ayaa shalay ku soo guryo noqday wadanka, isaga oo muddo safar shaqo ugu maqnaa wadanka dibadiisa. waxaana madaar ka Cigaal ku soo dhaweeyay wasiiro,xidhibaano,iyo badhasaabka gobalka maroodi jeex.

Wasiirka ayaa safar shaqo ku tagay magaalda Geneva wadanka Switzerland oo uu ka socday shirkii 64-aad ee wasiirada caafimaadka ee aduunka, shirkaasi oo dhaca sanadkiiba mar. Waxa kale oo uu uga gudbay dalka Jarmalka oo uu  kala qab galay xafladii 18 May jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka jarmalka oo uu sheegay inay ku marti qaadeen xaflada halkaasi ka dhacaysay.

Wasiir Dr.Xuseen Xoog ayaa sheegay inuu ku soo bandhigay shirkaasi wasiirada caafimaadka ee aduunka baahida caafimaad ee ka jirta Somaliland. shirkaasi caalamiga ah ayaa ahaa mid socday muddo sideed maalmood ah.

Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in dadka reer Somaliland ee dagan wadanka jarmalka uu uga xogwaramay wadanka iyo halka uu haatan maraayo, waxaanu wasiirku si wayn ugu amaanay jaaliyada reer Somaliland ee wadanka jarmalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu wadanka jarmalka kulmo kula qaatay xubno ka tirsan dawlada wadanka jarmalka, kuwaasi oo ay yeesheen wada hadalo. Waxaana sidoo kale intii uu halkaasi joogay uu booqday shirkada samaysa Ambulaasyada.