Roobab Khasaare Culus Gaadhsiiyay Deegaano Gobalka Saraar Ka Tirsan

0
1084

 

rooooobHargaysa(Geeska)-Roobab xoogan oo habeen hore ka da’ay gobalka Saraar ayaa gaystay dhimashada saddex caruura oo mid kamida la’layahay, iyada oo uu dhaawacyo u gaystay dad ku dhaw labaataneeyo sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobalka saraar Ibraahin Xasan Cali.

Roobkan oo bilaabay habeen hore ayaa waxyeelo wayni ka soo gaadhay magaalada Tukub oo Caynabo 28 km ka dhinaca waqooyi ka xigta . Waxaana magaaladaas ku nafwaayay saddex caruura oo mid kamida la’layahay iyada oo ay daadad qaadeen xoolahii iyo dhismayaashii magaaladaasi oo u badnaa carshaan isla markaana ay dhaawacyo ka soo gaadheen dad kale.

Badhasaabka gobalka Saraar oo gaadhay deegaandaasi ayaa Geeska Afrika uga waramay sida ay wax u gaadheen deegaanka ka tirsan gobolka Saraar  waxaanu yidhi “Roobabkaasi waxa ay gaysteen khasaare naf iyo maalba leh, gaar ahaan magaalo Tukub oo ku taala buuro dhexdood waxa ku soo furmay daadad, waxaana ku dhintay saddex caruura oo mid kamid ah ilaa hadda la’laayahay, magaalada waxa ay ku dhextaalaa laba dooxo oo qayb ka mid ah magaalada guud ahaan geedihii uu daad qaatay. Guryaha meeshuna waxa ay ka samaysnaayeen carshaan markaas, carshaantii iyo xoolihiiba daadkaa qaaday waxaana dhaawacyo ka soo gaadheen labaataneeyo qof.

Waxanay dadku maanta tubnaayeen banaanka oo meel ay u hoydaan xataa ma haystaan”

Sidoo kale roobkani waxa uu jiingada kala tagay afar guri oo ku yaala magaalada Oog waxaanu cabsi ku abuuray dadka magaaldaasi iyo guud ahaan deegaanda gobalka Saraar.

Goblkaas oo ay qaybo ka mid ah abaaruhu ku danbeeyeen ayaa waxa uu helay roobab xoogan oo soo afjari doona abaarihii halkaasi ka taagnaa. Inkastoo ay khasaare xoogan gaysteen roobabkaasi, maadama oo ay xooluhu hadda yihiin kuwo u nugul roobabka.