Laba Wiil Oo Soomaali Ah Oo Lagu Toogtey Magaalo Yar Oo Ku Dhaw London

0
1058

 

wiillLondon(Geeska) Laba wiil oo Soomaali ah oo 20 jir ka yar ayaa habeen hore lagu toogtey magaalada Milton Keynes oo ah magaalo yar oo 79 KM waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada London, sidaasi waxaa xaqiijiyey Booliiska dalkaas.

Maxamed Cabdi Faarax oo 19 sano jir ah ayaa isla goobta ku geeriyoodey, halka Amin Axmed Ismaacil oo degan magaalada London uu u geeriyoodey dhaawacii ka soo gaadhey toogashadaasi markii la dhigay Cisbitaalka Milton Keynes.

Maxamed Cabdi Faarax ayaa laga toogtey madaxa isagoo muddo ay eryanayeen dadka diley isaga iyo saaxiibkii ilaa ay la soo gaadheen halka magacabaao Fishermead council oo lagu diley.

Amin ayaa isna sidoo kale madaxa lagala helay xabad, isagoo dhaawacii ka soo gaadhey xabadaasi ugu geeriyoodey shalay galab Cisbitaalka Milton Keynes.

Dilka wiilashan ayaa la sheegay in uu dhacay habeen hore 10-kii habeenimo, waxaana Booliisku ay wadaan baadhitaan ku saabsan dilkaasi, inkastoo Boolisku ay sheegeen in wiilashan ay garanayaan iyagoo ku haya dhacdooyin heerkoodu hooseeyo oo la xidhiidha fal dambiyeed, laakiin meesha kama aanay saarin in dhacdadani la xidhiidha fal dambiyeed.

Goobtii uu dilku ka dhacay waxa kusoo ururiyay Somali tiro badan oo magaaladaas degen kuwaas oo isugu jira qaraabada wiilashan iyo dad kale.

Axmed Xasan oo adeer u ah Maxamed ayaa isagoo ka hadlaya dilka wiilka uu adeerka u yahay wuxuu yiri “Tani waa arin mashaqo ah, waxaa la ii sheegay in mudo lagu eryanayey jidka ilaa lagu diley laamiga dhiniciisa”.

Maxamed Aabihii waxaa la sheegay inuu Somaliya joogo, waxaana wiilkan la diley qoyskoodu London uga guureen wadanka Norway.

Rashiid Hiirad oo ay qaraabo yihiin wiilka la dilay ayaa u sheegay telefishinka Sky News in Maxamed uu muddo todobaadyo ah ku jirey dhuumasho.

Rashiid wuxuu sheegay in dhawr jeer la garaacay, ilaa hooyadii Faadumo Axmed ay ka guurtey magaalada Milton Keynes iyadoo u guurtey magaalada Birmingham si ay uga fogaato mushkilada wiilkeeda ku lugta leeyahay, laakiin wiilkeeda wuxuu  booqan jiray magaalada Milton Keynes isagoo sheegay in uu ku leeyahay saaxiibo.

Maxamed ayaa la sheegay in uu magaalada Birmingham ka bilaabay College si uu ugu gudbo Jaamacad isagoo doonayey in uu barto culuunta dhaqaalaha.

Sharmaarle Maxamed oo adeer u ah Maxamed ayaa isagu mar uu ka hadlayey dilka Maxamed wuxuu yidhi “Markii aan maqley in la diley, waxaan u qaatey in uu tagay Soomaaliya oo ah meel ay dagaalo ka oogan yihiin, uma haysan Milton Keynes oo ah magaalo nabadeed”.

Dambi baadhe Rob Mason, oo ah baadhaha dambiyada ee Thames Valley Police, ayaa yidhi “Xaqiiqdii waxaanu joognaa bilowga baadhitaanka shilkan, waxaana wadnaa baadhitaan, waxaan haynaa dadka wax ku noqdey dhacdadan inay yihiin saaxiibo laakiin kuwa wax geystey wali ma ogin waxa ay yihiin”.

Sababaha dilkan ayaan ilaa iyo haatan laga bixin faahfaahin dheeraad ah, waxaase jira shakiyo la xidhiidha inuu dilkani la xidhiidho falal dhalinyarada hubaysan, ee Gangs-ka ah, ganacsi daroogo & waliba midabtarkoor ahi ay sameeyaan.

Milton Keynes oo ah magaalo ay ku nool yihiin ku dhaw 200 kun oo qof waxaa ka mid ah bulshada ku nool dad u dhashay wadamada Yurubta Bari oo u badan Poland, Soomaali, Eritreyiaan, Kenyaati & Ghana.