Geeska Afrika Oo Helay Qoraal Ay Guddiga Doorashooyinku Ku Dalbadeen Goob-Joogayaal Caalami Ah Iyo Hay’addii Loo Diray Oo Ka Jawaabtay

0
4413

 

Picture4Hargeysa (Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, ayaa helay qoraal uu guddoomiyaha guddiga doorashada md. Ciise Yuusuf Xamari, 21 September ku dalbaday goob-jogayaal caalami ah oo kormeera doorashada goleyaasha deegaanka, waxaanu qoraalkaas u diray hay’adda Progressio oo uu heshiis hore ka dhexeeyay.

 

Qoraalkaas, ayaa lagu yidhi “Maadama doorashooyinka goleyaasha deegaanku ka dhici doonaan dalka 28 November, Guddida Doorashooyinka Qarankana, masuuliyad ka saaran tahay hawlahaa, waxaan ku martiqaadaynaa hay’adiina inay keento goob-joogayaal caalami ah oo markhaati ka noqda doorashooyinkaa.”, wuxuu intaas ku daray,  Somaliland oo ilaa sannadkii 1991, uu ka hana-qaaday nidaam dimoqraadi ah, kuna soo guulaystay inay si nabadgelyo ah u soo galaan doorashooyin kala duwan, waxaan rajeynaynaa inaad goob-joogayaal caalmi ah oo wadamo kala duwan ka socda keentaan, weliba, gaar ahaa, wadamada Afrika goob-joogayaal badan ka yimaadaan.”

Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu xalay la xidhiidhay wakiilka hay’adaas Progressio ee Somaliland marwo Sucaad Ibrahim Cabdi, oo aanu weydiinay jawaabta ay ka bixiyeen codsiga guddiga doorashada, waxaanay xaqiijisay inay aqbaleen keenista goob jogayaasha caalamiga ahi.

Sucaad Ibraahim Cabdi, madaxa hay’ada PROGRESSIO ee Somaliland ayaa ku jawaabtay, “Waanu aqbalay dalabkii Guddida Doorashooyinka Qaranka, inkastoo aanan qoraalkii u gudbin, heshiiskuna mid hore u jiray ayuu ahaa.”

Madaxa PROGRESSIO ee Somaliland, oo la weydiiyey halkay ka filayaan dhaqaalaha ku baxaya keenitaanka  goob-joogayaasha iyo tirada iman doonta, ayaa ku jawaabtay, “Dhaqaalaha waxa bixin doona ha’adaha caawiya doorashooyinka ee dhaqaalaha siinaya Guddida Doorashooyinka Qaranka. Tiradoodu way ka yaraan doontaa intii doorashooyinkii hore iman jiray.”

Sucaad Ibraahim Cabdi, oo la weydiiyey sababta keentay inay yaraadaan goob-joogayaasha caalamiga ee iman doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka, ayaa ku jawaabtay, “Waa nidaam caalami ah, adduunka meel  walba goob-joogayaasha caalamiga ee doorashooyinka deegaamada loo diraa way ka yar yihiin kuwa doorashada Madaxweynaha loo diro, maadama, ta Madaxweynahu ka muhiimsan tahay kuwa kale.”

Aqbalaada hay’adda PROGRESSIO ayaa ka danbaysay qoraal maalmo ka hor Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, Eng, Ciise Maxamed Yuusuf (Ciise Xamari) kaga codsaday inay keenaan goob-joogayaasha caalamiga doorashooyinka deegaanka ee dhowaan dalka ka dhici doona.