“Doorashadii Deegaanku Culays Dhaqaale Oo U Baahan In dadka Loo Iftiimiyo Ayay Dalka Ku Keentay”

1
4009

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa qiray in doorashadii goleyaasha deegaanadu ay dalka gayaysiisay dhaqaale burbur xoog badan.

Md. Samaale, oo shalay u waramay telefishanka qaranka, wuxuu malaayiin dollar ay ka baxeen murashixiintii tartamaysay iyo weliba dawladda Somaliland, isagoo xusay in lacagtaas adag ee dalka ka baxday ay saamayn yeelatay.  “Doorashadii dawladaha Hoose culeys wayn oo dhaqaale oo loo baahan yahay in ay wasaaradda maaliyadu dadka u iftiimiso ayay dalka ku keentay, ka dib markii ay doorashadaasi dhacday waxa dalkeena laga dareemayaa bur-bur dhaqaale oo aad u wayni in uu ku yimid, dad badanina ay sabool noqdeen, kuwaasi oo wixii yaraa ee ay haysteena dadkii ay qaraabada ahaayeen ee tartamayay siiyay, musharixiintaa tartamayay qofka ugu yar ayay ku baxday lacag gaadhaysa kumaan kun doolar, lacagtaasi waa lacag dadka iyo dalka Somaliland ka baxday, waana lacag inteeda badan si qaldan loo isticmaalay oo qaad iyo sigaar ayaa loo isticmaalay, lacagtaasi inta ay jeebka dadka ka soo baxday ayay gashay wax aan muuqan,waxaan odhan karaa lacag aad iyo aad u badan oo maanta dalkeena ka muuqata oo malaayiin doolar gaadhaysa ayaa baxday.”

Isagoo Wasiir Samaale, ka hadlaya lacagta xukuumadda kaga baxday doorashadii deegaanada, wuxuu yidhi “xagga xukuumada lacag aad u adag ayaa gashay doorashadaa, waxaanu bixinay lacagtii uu komishanku doorashada ku maamulayay oo 3 milyan oo doolar gaadhaysay, waxa kale oo aanu bixinay lacagtii lagu qaadayay muraaqibiinta xisbiyada ee goobaha tegayay, lacag aad iyo aad u badan ayay xukuumada Somaliland ku bixisay arrintaa doorashada, iyo lacag dayn ahayd oo kimishanka doorashada lagu yeeshay ayay dawladu bixinaysay bilihii u danbeeyay.”

Lacagtaas doorashada gashay, wuxuu sheegay in suuqyada laga dareemayo,  “Guud ahaanba lacagta gashay doorashadii goleyaasha deegaanku waa lacag umada Somaliland ka baxday oo ka maqan, taasi oo dadkeena iyo suuqeedaba aad looga dareemayo faqri badan iyo dhibaato badana keentay, doorasho oo dhan ayaana arrintaa wadata, doorashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay dhamaantood culays dhaqaale oo aad u wayn ayay dadka iyo dalkaba ku keeneen.” Ayuuyidhi Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Comments are closed.