Wasiir Cadami Oo Saluugay Qaabka Ay U Dhisantahay Wasaaradda Gaashaandhigu, Kana Hadlay Darajada Ciidamada Qaranka

1
696

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa naqdiyay qaabka ay u dhisantahay wasaaradda gaashaandhigu, waaanu sheegay inuu jiro qorshe lagu habaynayaa.

Wasiir Cadami oo shalay waraysi siiyay Bulsho TV, wuxuu sheegay inuu arko saluug ka jira qaabka ay u dhisantahay wasaaradda gaashaandhigu. Waraysigaas oo uu Wasiir Cadami kaga hadlay arrimo kale, wuxuu u dhacay sidan:

Waxa aad tahay wasiirkii difaaca markaas waxaan ku waydiin lahaa bal hawlaha wasaaradan gaashandhiga iyo hawlmaalmeedkeedu halka ay idin marayaan?

Waa su’aal wanaagsan meesheedana qabata, waxa aan odhna karaa kaalin qiimaheeda leh ayuu kaga jiraa nabadgalyada Somaliland ay ku naalootana door wayn ayuu ka ciyaaray, waxa u danbeeyay dagaal sokeeye oo Somaliland gudaheeda ah oo dhacay kaa hadda Ceerigaabo ugu danbaysay alxamdulillaah nabadii way soo noqotay dadkuna waa dad walaalo ah oo aan waxba kala lahayn oo wada ilmaabti iyo habar wadaag isku ah odayshii iyo labadii reerba nabadii bay qaateen. Meel aad u fiican ayay maraysaa, wasiiru daakhiliga iyo waftigiisuna waa ay ku amaanan yihiin oo waa ay u samreen oo waa ay ujilib dhigeen markii hore, door fiican ayay ciidamadu ka ciyaareen ciidamduna  waa ay u dhabar adaygeen waano iyo wacyiba waa ay bixiyeen, waana la ajiibay oo dadkii waa ay ajiibeen, haddana nabadgalyay isu badashay magaaladii, waanad maqashay ciidamada hubkoodii keenay oo soo galay waana isla dadka waxa dibad ka yimi maaha, waxaan markaa uga Jeedaa ciidanku ilaa iyo  halkaa amaanka wax wayn ayuu ku leeyahay kuwa dagan ee Cerigaabo jooga iyo kuwa lagu soo xoojiyayba. Marka iyagoo tabababaradii hawlahoodii kale diyaar garawgii wax walba wata bay misana kaalin firfircoon ka ciyaaraan amaanka nabadgalyada Somaliland.

Waxaan doonaynaa in aan dadka Somaliland fahansiino qaabdhismeedka wasaarada gaashaan dhiga qaranka adigoo soo koobaya bal sharaxaad naga sii?

Wax waliba qaab bay u socdaan, waxaan arkaa inuu saluug ka jiro qaabka hadda jira, waanan qabaa in sidaas si ka wanaagsan loo dhigi karo, qaabka dhismeedkuna waxa uu keenaa wada shaqaynta isagaa mufttaax u ah dhibka taagan ee jiraa waxa weeye ciidanku talis sare ayuu leeyahay waakaas xarun buu leeyahay taliyihii iyo madaxdii kale ayuu leeyahay, waxa ay leedahay sida caadiga ah waax maamul bay leedahay oo DG baa jira oo markaa maamula, waxa jirta qaybta qorshaynta oo markaa qorshaheedu aanu ku koobnayn qorshaha wasaarada iyo lacagteeda maaliyada ee ay waheliso ilaa iyo qorshaha ciidamda oo uu ku jiro mid tabobar oo loogu talo galay ciidamada qaranka la siinayo inay noqdaan inay ogolaadaan inay loo siman yahay oo ay gobaldu ku wada jiraan xogogaal u noqdaan.

Qaabkan aan imika kuu sheegayo ee waxyaha sidan u dhisan hawl maalmeed koodii waxyaabo ka dhiman waa jiraan mana aha wax cidi xoog kaga qaadaye waa wax xeerka iyo sharciga imika yaala baa lagu dhaqmayaa aduunkuna daa’iman wax labadalyo ayaa jira oo waxbaa laga samynayaa oo ka dhigi maayo wax waligii taagnaanaaya waa wax la xalin karo  oo imikaba socda.

Qaabka kan ka wanaagsan ee aad adigu niyada ku haysaa muxuu noqonayaa?

Waxa uu noqonayaa ciidmadu waxay u joogaan difaaca qaranka oo ay isu taagan yahiin hawsha ugu wayn weeye iyadaana mashquulinaysa cid kasta oo joogta ( waasarada gaashandhiga ) waxii kale horumara waxii kale ee xidhiidh dabadeeda, waxii kale ee gudaha ah waxa loo baahan  yahay inay ka soo fulaan wasaarada gaashandhiga halkaas ayaan wax ka tabyaa oo wali ay wax ka dhiman yihiin, waxa tusaale ahaan nidaamada ciidamda ee la sameeyo iyo shuruucdaba laga ansixiyaa golaha wasiirada ilaa madaxwaynaa mana aha wax cusub oo aan anagu bilawnay waxyaabha aan tabayo oo dhan oo hore u dhinaa.

Arinta daraja siinta ciidamdu markay timaado inbadan ayuu xisbiga Kulmiye ku celeliyay inay miiska saarantahay darajadii ciidamdu markaas hawshaasi halkay maraysaa?

Waxa ka horeeya oo ay soo jeediyeen aqoonyahanadii milatarigu marka la dhamaystiro tira koobaka ciidanka la ogaado,  markaas imika tirakoobkii ayaa la wadaa oo barigii ayay ini hadhay , boqolkiiba shan iyo sagaashana waa la soo dhameeyay tirakooobkii ciidanka.

Adiga ka wasiir ahaan maxaad is odhan  kartaa wasaaradan gaashandhiga waad uga tagi kartaa, maxaadse aad maanka ku haysay in uun haddii aad masuul noqoto in lagaa dhaxli karo, wax kuu qabsoomay se majiraan?

Iyadoonay da’dayduna ii saaxayn in aan faano Waxaan alxamdulilaah qabaa in aan maanta ognahay oo uu kaadh iyo taysaro leeyahay askarigu oo aanu jirin askari khali guurayaa oo askarinimo iska sheeganayaa aanu jirin, in tira koobkii la soo gabagabeeyay oo rikoodh laga sameeyay, inta yar oo hadhayna waa boqolkiiba shan oo bariga fog ah insha allaahu socod aan dhawaan ku tagayno ayaanu ku soo dhamaynaynaa.

Halkaas waa dhukmiti oo markaad hubto tirada ciidankaaga iyo tayadiisa  ayaad dagaalka gali kartaa lakiin marka aanad ogayn ciidankaaga oo iskaga filiqsanyahay dalka gudihiisa oo ciidanba meel lagu sheego khadar baa ay xataa nabadgalyadaadu ku suguntahay.

Waxa la dhisay halkan aan imika kujirno oo wasaaradu halkan kuma jiri jirin ee waxay ku jiri jirtay cooshad yar oo halkaasa oo  toban meelood ka daloosha oo biyahuna ay soo gali  jireen, mudadaas yar ee dawladan cusubi jirtay ayay ku dhisantay kuma dhismin lacagta yar ee bajadkaa ee umada dirqiga lagu gaadhsiiyay mucaawnina dibadeed ayaa lgu dhisay iyo xidhiidh, waxa ladhisay cisbitaalkii ciidanka ee halkan, waxa dibu hagaajin ku socotaa 140 kun oo Doolar lagu dhisayaa Cisbitaalkii burco ee ciidanka oo gacanta lagu hayaa, waxa lagu hayaa xeryihii malatarigu lahaa oo tababarada ku qaadan jiray waa la samyeeyay kuwo kale oo qorshaha ku jira oo gobalada fogina waa ay jiraan.

Intaad noolayd goormaad ku tilmaami kartaa inay ahayd maalintii kuugu farxada badnayad ?

Waxa ay iigu farxad waynayd wakhtigii aynaan aqoonin doorashooyinka dabadeedna aynu bisinka qabsanay dabadeedna doorashadii dhacday dabaeedna 80-ka cod lagu kala qaatay oo lagu kala tagay, dabadeedna cidii heshayna kursiga ku fadhiisatay cidii waydayna dib u fadhiisatay, markaa anigu komishnkaa gudoomiye ka haa guul wayn oo soo hoyatay ayay ii ahayd.

Habeenkii iyadana tirakoobka la galayee doorashada ee dumuqraadiyada adkaatay oo tartanka caadiga ah dhacay deedna xisbigayagu  guulaystayna habeenada sidaase igu wayn Ceerigaabo iyo bari ayaan joogay markii markaas natiijadu soo baxday oo waliba si gobanimo ah oo Somaliland lagu yaqiinay cidii laga helayna ay tahniyadaysay cidii laga helayna ay tirsatay iyaduna faxad balaadhan ayay ii ahayd.

Comments are closed.