UDUB Iyo UCID Oo Ka Waramay Natiijada Kulan Ay La Yeesheen Guddiga Dorashada

0
737

 

Hargaysa( Geeska )-Labada xisbi ee mucaaradka ee UDUB iyo UCID ayaa shalay kulan la qaatay Komishanka doorashooyinka ee qaranka kulankaas oo ay kaga hadlayeen sababta loo laalay diiwangalintii iyo arimo kale.

Markii shiirkaas ay xisbiyadu la qaateen komishanka doorashooyinka qaranka uu soo dhamaaday waxa irida hore ee komishanka doorashooyinka saxaafada kula hadlay wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade oo sheegay inay komishanka kala hadleen habka ay doorashooyinku u dhici doonaan, waxa kele oo uu warancade dhaliilo u soo jeediyay Urarada cusub oo uu ku tilmaamay inay bilaabeen olole iyada oo aan loo ogalaan, isla markaasna wax uu baxiyay digniino. Halka uu daboolka ka qaaday afhayeenka xibiga Ucid Maxamed Xasan Khayre ( Shabaash )inay komishanku sheegeen in u gudbiyeen  dacwadoodii maxkamda isala markaasn ay halkaas kala macaamilaan, isla marklaana waxa uu afhayeenku tilmaamay inay maxkamda u gudbinayaan arinka xildhibanadaas oo uu ku jiro gudoomiyaha golaha wakiiladu.

Ugu horayntii Cali Maxamed Warancade waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Hadaanu nahay xibiga Ucid iyo Udub waxan komishnka kala hadalnay habka ay doorashooyinku u dhici doonaan iyo arimo ka taagnaa is afgaran waa nidaamkan cusub ee imika socda, markaas run ahaantii waxa noo muuqda in nidaamkan imika jiraa uu yahay nidaam khal khal badani ku jiro oo aan saxnayan oo waanu qabnaa anagu inay diiwangalintii hore ay ahayd diiwan galin aan sax ahayn, diiwan galin aan lagu gali karin doorasho danbe, sidaa darteed waanu ka dalbanay dawlada iyo komishankaba iyo baasha caalmkaba in laalo,” ayaa uu yidhi, waxaanu kudaray “Waxaan se waydiisanay in la qabto diiwan galin cusub oo muddo lix bilooda dalka lagaga qabto haday ugu badatana sanad oo aan ku heshiinay  safiirkii nooyimid dhawaan oo ee Ayrishka ahaa oo isuguna nagula taliyay inay sanad  noqoto, hasa eyeeshee waxa ka daba yimid arin odhanaysa bilaa diwangalin halagu galo iyadoo diiwan galintii horeba khatarteedii aan ka baqanaynayn taa anagu cid wadatay ma garanayno.”

Afhayeenka xisbiga Ucid Maxamed Xasan Khayre waxa uu dhankiisa dabolka ka qaaday inay komiksnku u sheegeen inay ugudbiyeen cabashadoodii maxkamada, waxa kale oo u maxkamada iyo gudoomiyaha baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro u soo jeediyay soo jeedimo, waxanu ku bilabay hadalkiisa “ Waxa maanta maxkamda loo gudbiyay gudoomiyaha baarlamaanka kiiskii hadaanu nahay xisbiga Ucid isku haysanay ee ahaa inuu is casilay xilkii xubinimo ee xibiga Ucid uu u fadhiyay golaha wakiilada, sidaas awgeed waxa aan soo jeedinaynaa maxkamda oo aan ka codsaynaa sharciyada siday tahay maalintii uu iska casilay xubinimada inuu golaha dibada ka taagnaaday balse waxa uu gudoomiyahu sii wadaa xilkii oo golahii ayuu gudoominyaa taasna waxaan u aragnaa sharci daro, waxa kale oo uu isticmaalayaa hantidii dawlada.” Wuxuu intaas raaciyay  “Waxaan leeyahay gudoomiyahana intaan sharciyadu kaa joojinin in aad adigu sharaf samayso  ayay ahayd oo aad iska joojiso maadaama oo aad xisbi kale gashay waxii umada aad xilka uhaysana inaad is wareejisaa bay ahayd, haday tahay qaadhaanka aad taataabatay, gaadhiga dawlada inaad wareejisaabay ahayd, kursiga dawalda ee aad fadhidana inaad fadhido xaq uma lahid”.

Afhayeenku waxa kale oo ku eedeeyay godomiyaha baarlamaanka in uu ka jaray xibig Ucid qaadhaankii xildhibaanadu ay siin jireen bishii isla markaasa uu isagu u isticmaalo si shaqsiya.