Guddiga Doorashooyinka Oo Qoraal Rasmi Ah Maxkamadda Sare Ugu Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Guddoomiye Cirro, Uurcade Iyo Xildhibaano Kale

1
620

 

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka ayaauntitled maxkamadda sare ee qaranka u gudbiyay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), maayar xigeenka Hargeysa Maxamed Cabdillaahi Uurcade iyo xildhibaano ka tirsan wakiilada oo hore u sheegay inay ka baxeen xisbiyada UDUB iyo UCID.

 

Dacwadan ayaa daba socota dacwad ay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo UDUB u gudbiyeen guddiga doorashooyinka ka dib markii ay xildhibaanadaasi sheegeen inay ku biireen ururka siyaasiga ah ee wadani oo uu guddoomiye u yahay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Guddiga doorashooyinka ayaa Sabtidii shalay guddoomiyaha maxkamadda sare u gudbiyay dacwadaas si uu uga garnaqo. Qoraalkaas guddiga doorashooyinka oo uu ku saxeexanyahay ku simaha guddoomiyaha doorashooyinka Md. Cali-Khadar Xasan Cismaan, oo uu nuqul ka mid ah Wargeyska Geeska Afrika, helay ayaa wuxuu u dhignaa sidan: “Mudane guddoomiye, waxa aanu halkan kuugu soo gudbinaynaa qoraalo aanu ka kala helnay xisbiga UCID iyo UDUB kuna codsanayaan in loo bedelo xildhibaano ay soo qoreen inay iska casileen xubinimadooda oo ah xubno ka mid ah golaha wakiilada iyo deegaanka eeg Ref: (UCID/708/2011, UCID/709/2011 & UDUB/XGK/f-2-1164, UDUB/XGKI/f-2-1169) tan oo ay u soo daliishadeen qodobo distoorka ah iyo xeerka doorashooyinka JSL.

Waxa sidoo kalena aanu ka helnay jawaab celin golaha wakiilada JSL eeg Lr: GW/G/04/115/2011 ee 31/10/2011. Sidoo kaena waxaanu ka helnay jawaab celin guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa eeg Ref: XDH/H794/2011 ee 03/Nov/2011.

Ka dib markii aanu eegnay qoraaladan, waxa noo muuqata in guddiga doorashooyinka qaranku isu soo dhaafiso maxkamada dastuuriga ah si sharciga loogu gar-sooro.

Waxaanu ka codsanaynaa xisbiyada qaranka (UCID iyo UDUB)  inay arrinkan kala xidhiidhaan maxkamada dastuuriga ah.”

Go’aankan guddiga doorashooyinka ayaa ka dambeeyay kulan ay shalay la yeesheen madaxda labada xisbi mucaarad oo la xidhiidhay arrintan iyo hawlaha doorashooyinka.

Comments are closed.