Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Baahisay In Tartan Loo Galo Jagadii Maareeyaha Wakaaladda Korontada Hargeysa

0
586

 

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa baahisay shaqadii maareeyaha hay’adda korontada Hargeysa, waxaanay shacabka ka codsadeen in jagadaas tartan loo soo galo, waxaana jagadan hayay Md. Weli Axmed Xaawa, oo uu Madaxweyne Siilaanyo digreeto ugu magacaabay.

Wasaaradda hawlaha guud, guriyaynta iyo gaadiidka, ayaa shalay warbaahinta soo gaadhsiisay shaqadaas agaasimaha wershadda korontada Hargeysa, waxaanay shacabka ka codsadeen in codsiyada lagu soo xareeyo xafiiska wasaaradda hawlaha guud. Waxaana qoraalka shaqadan lagu xayaysiinayo ku saxeexan wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirka qorshaynta Sacad Cali shire, Maxamuud Aw Cabdi iyo Maxamed Cabdi Bede, oo ah xubno guddi ah oo la sheegay inay madaxtooyadu u saartay hay’adda korontada Hargeysa. “Waxa codsiga shaqada lagu soo xaraynayaa xafiiska wasaaradda hawlaha guud iyagoo ku jira gal aan magac ama astaan gaar ah lahayn. Waxa keliya ee galka dusha lagaga qorayaa magaca shaqada oo ah maareeyaha wershadda korontada Hargeysa.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka shaqadan lagu baahiyay ee ay wasaaradda hawlaha guud soo saartay.

Maareeyihii hore ee hay’adda Korontada Weli Axmed Xaawa, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo jagadiisan la xayaysiinayo ayaanay noo suurtogelin, waxase la ogyahay inaanay jirin meel uu Madaxweyne Siilaanyo xilkii kaga qaaday.