Dablay Lagu Xidhiidhiyay Wasiir ku xigeenka Amniga Oo Burburiyay Beerta Wax Soo Saar Ee SBI

0
490

 

Picture7Abdaal( Geeska )-Koox dablay ah oo ku hubaysnaa qoryo ayaa burburiyay beer ay shirkada sharaabka ee SBI ay ku lahayd deegaanka Abdaal, kooxdan dablayda ah ayaa beertaas ku toogtay mishiinkii biyaha soo saarayay isla markaasna qaatay qalabkii beertaas lagu beeryay.

Jaamac Maxamed Cumar oo ah nin beertaas ka shaqaynaayay ayaa sheegay in ay soo weerareen shan nin oo qoryo ku hubaysnaa isla markaasna mid ka mid ah oo baastoolad sitay uu haansaab-gareeyay, waxaanu dablaydan ku eedeeyay inuu ka danbeeyo wasiir ku xigeenka amniga Cabdillaahi Abokor.

Sida oo kale Jaamac Cumar oo warbaahinta kula hadlaayay isla beerta oo markaas uu dhex yaalay mishiin kuwa biyaha soo saara ah oo saddex xabadood lagu dhuftay ayaa wasiir ku xigeenka amniga si adag ugu eedeeyay inuu beertan ugu faanayo shaadhka dawlada, isla markaasna uu dhib dalka ka wado isaga oo ku magacaaban wasiir amni.

Ugu horayntii Jaamac Maxamed isaga oo ka warmaaya beertaas waxa uu yidhi “ Meeshan dhacdooyin badan ayaa ka dhacay mishiinkana waa la qaatay saddex jeer oo hore iyo waliba qalab kale oo badan oo kuwa beeraha ah, markii afraad waatan rasaasta mishiinka lala dhacay run markaan idiin  sheegana wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor oo deegaankana ka soo jeeda ayaa dadkan soo dira.”

Ninkan shaqaalah ah isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Ilaa shan nin ayaa qoryo nagu qabtay oo hareeraha naga istaagay mid ka mid ah oo baastoolad sitay ayaa aniga igu qabtay kuwii kalena mishiinkan ayay ku soo dhaqaaqeen oo ay toogteen ka dib waa ay iska tageen, dhir badan oo aanu beernay oo saytuun ahaydna waa ay jar jareen.Beertan rag badan oo dadka deegaanka ka mid ahaa ayaa lahaa dhamaantoodana waa la wada ogaa oo si sharciyaysan ayay u iibiyeen.”

Jaamac oo warbaahintu ay waydiisay bal inuu sheego sababta uu wasiir ku xigeenka ugu eedaynayo kooxdaas,  ayaa yidhi“ Ma garanaayo sababta uu wasiir ku xigeenka amnigu meeshan rabshada uga ridaayo laakiin ilaa maalintii arinka beertaas la bilaabay ilaa maanta fawdo ayuu ku jiraa dadkana shaadhka dawlada  ee uu sito ayuu u sheeganayaa, booliska magaalada Dacarbudhuq waa ay yimaadeen laakiin arinkaas waxba wali lagma qaban, waxaanu rajaynaynaa in arintaa sharcigu si fiican wax uga qabo. Meeshan Dhacdooyin badan ayaa ka dhacay, Dhacdooyinkaasi wax ka mid ahaa in Saddex Jeer mishiinkan la Qaatay oo Saldhiga Dacar-budhuq la yidhaahdo lagu Xidhay, Kadib waa la soo qaaday oo halkan ayaa lagu soo celiyey, Markii Afraad waatan Rasaasta lala Dhacay, Runtii Alaabtii beerta oo dhami Way Wadda Maqan tahay,  Dadka Waxan Sameeyey Wax ka Danbeeya Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasarada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor  oo Isagu Dadkan soo Diray, Anigu haddii aanu nahay Shaqalaha Beertan waanu Cadeynaynaa in uu Wasiir ku-xigeenku uu ka Danbeeyo Kooxdan Shuftada ah, marka wasiirku qalalaase ayuu ka wadda beertan iyo intii hawshan la bilaabay.”