Ambassador Cawil Oo Ka Hadlay Qaadacaada Madaxweyne Silanyo Ee Shirka London, Kana Waramay Inay Somaliland Geli Karto Go’doon Diblomasiyadeed

0
4002

 

Picture9Hargeysa(Geeska)-Ambassador Xuseen Cali Ducaale Cawil, oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore, ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku qaadacay ka qayb galka shirka London ee la qaban doono bisha May.

Danjire, Cawil oo u waramay Geeska Afrika,wuxuu sheegay inay qaadacadaasi keeni karto tanaasul ka iman kara dawladaha shirka abaabulaya. “Waxaan u arkaa talaabo aad u fiican oo uu Madaxweynuhu ku talaabsaday. Shir uu Madaxweynaha Somaliya guddoominayo madaxweynaheenu ma fadhiisan karo, waxaanan la yaabay dawladda Ingiriiska ee hunguraynaysa inay Somaliland ka qayb gasho, waayo  wax dhici kara maaha, markaas talaabo fiican ayay ahayd. Haddii adduun weynuhu isu keen dhagaysanayo iyaga iyo inaga qaddiyadeenu way cadahay, oo waxaynu ka wada hadli karnaa, jaarnimo iyo sidii lagu wadan noolaan lahaa wax Somaliya kaga lumayaana ma jirto haddii ay Somaliland qaran madaxbanaan noqoto, wax ugu kordha mooyee.”

Cawil Cali Ducaale, oo la weydiiyay bal inay qaadacaada Madaxweyne Siilaanyo ee shirkaasi, Somaliland ku keeni karto go’doon diblomaasiyadeed iyo cadaadisyo kale, wuxuu ku jawaabay “Had iyo jeer diblomaasiyadda halka ugu saraysa ayaa la qabsadaa, markaad halkaas qabsato wax badan oo tanaasul ah oo dhinaca kale ka iman kara ayaa jira. Markaas waanu qaadacnay waxay keenaysaa mararka qaarkood saaxiibtinimo inay kuu soo hoyso, had iyo jeer diblomaasiyadda halka ugu saraysa ayaa la qabsadaa. Qaadacada shirkanina dhibaato iyo go’doon diblomaasiyadeed oo ay inoo keenaysaa ma jiro, waxase aan aaminsanahay inay wax inoogu soo kordhayaan oo waxa la arkayaa inaynu nahay dad qaddiyadooda ku dhegan, oo haddii aynu shirka tagi lahayn waxa la sawiran lahaa inaynu yara dabacnay. Laakiin markaad meel sare istaagto waxa imanaysa inaan lagu dhayalsan oo dib la isugu noqdo. Markaas waxaan aaminsanahay inay miisaan diblomaasiyadeed ay qaadacadda Madaxweynuhu inoo soo kordhinayso.”

Cawil, wuxuu sheegay in qaadacadu ka mid tahay diblomaasiyadda, waxaanu sheegay in mararka qaarkood ay dawladuhu xataa xarunta shirarka lagu qabanayo u dirtaan dad xog ka keena tirada kuraasida la dhigay inay isku mid yihiin amaba ay muuqaal ahaan isku qurux yihiin. “Qaadacadu diblomaasiyadda waa ka qayb, mararka qaarkoodna marka ay dawladuhu wada hadlayaan ka hor inta aan shirka la tagin waxa la dirtaa dad gaar ah oo kaaga soo warama kuraasida shirka in loo dhigay tiro siman oo aanu dhinac badnayn, inay qaab ahaan dhinaca quruxda isku mid yihiin iyo waxyaalo kale.” Ayuu yidhi Cawil.

Mar la su’aalay sida uu u arko qaraarkii uu golaha ammaanku xayiraadii hubka kaga qaaday dalka Somaliya, wuxuu sheegay inuu yahay qaraar lagu degdegay “Talaabo khalad ah weeye oo hubkaas 80% wuxuu galayaa gacanta xagjirka, markaas dawlad awood leh oo hubka ilaashan kartaa  ma jirto, waana talabao lagu deg degay oo khalad keenaysa.”