Warqad Furan Oo Ku Socota Badhasaabka Gabiley

0
807

 

gabiley-logoAnniga oo kamid ah guddida Guddida Xoojinta Nabadaynta Ee Beesha  Bah-habar Muuse Iyo Beelaha Ay Wada Dagaan Gobalka Gabiilay kuna hadlaaya magaca guddida, waxaan tahniyad mug wayn u dirayaa gudoomiyaha cusub ee gobalka Gabiilay Md.Cali Aadan Meecaad, oo bedalay Md. Cabdirashiid Sh.Cumar Sh.Muxumed oo ahaa badhasaabkii hore e gobalka Gabiilay. Waxaan u rajaynaynaa badhasaabka gobalka Gabiilay ee cusub inuu eebbe u sahlo, hawlaha sugaya iyo xilka loo igmaday ee baaxada wayn.Waxaanu isla markaas u gudbinaynaa badha saabkii hore qadarin iyo tixgalin inaanu u hayno.

Waxaan badhasaabka cusub ku baraarujinaynaa in hawsha balaadhan ee sugaysa ay ka mid tahay arinta Caada oo soo jiitamaysay mudo dheer. Hadaan nahay beesha Bah-habar Muuse, waxaan diyaar u nahay in aan badhasaabka cusub aan kala shaqayno nabadaynta beelaha iyo waxii kale ee nabad galyada wax u dhimaaya.

Waxaan kaa codsanaynaa Md.Cali Aadan Meecaad in arintan Caada aad siiso mudnaan gaar ah, si loo baajiyo dhiig danbe oo halkaa ku daata, waayo wixii horee dhacayba khasaare mooyee faa’ido kamay dhalan.

Dhinaca kale waxa aan ka codsanaynaa wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland in arimaha Caada ay ka qaadato nabadayn teeda qayb libaax, si loo soo celiyo nabad-galyadii goobtaa kamid ah gobalaka Gabiilay. Waxaan ku amaanaynaa wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland qaybtii ay ka qaadatay dib u heshisiintii xaasaasiga ahayd ee u dhaxaysay labda beelood eek ala ah beesha Bahahabar Muuse iyo beesha Ba’adaraxmaan (Ciise) bishii 5/0/6/2011, kana qabsoontay Garab’dadar ee dagmada Lughaya. Waxaan rajo ka qabnaa inay arintaas ku dhamaan doonto sidii khayr ku jiro.

Cabdiqaadir Sh.Ibraahin X.Cali