Kuma Ayaa La Filayaa In Loo Magacaabo Raysalwasaraha Sharif?

0
787

 

sharifMuqdisho(Geeska)-Ka dib markii ay labada Shariif isku seegeen nin uu Sheekh Shariif qorsheeyay inuu u magacaabo Raysalwasaaraha Somaliya ayaa waxa la sheegayaa in hadda xal laga gaadhay khilaafkaas.

Warbaahinta Muqdisho ayaa shalay baahisay in xilkaas loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Cabdiwali Maxamed Cali, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Puntland, waxaana la sheegayaa inay labada Shariif isku raaceen magacaabista ninkan oo aan si weyn looga aqoon saax

Ku xigeenkii Raysalwasaarihii hore ayuu Sheekh Shariif qorsheeyay inuu u magacaabo xilka uu baneeyay Maxamed Cabdillaahi Maxamed, laakiin Shariif Xasan oo awood ku leh siyaasadda Somaliya ayaa ka soo horjeedstay qorshahaas, waxaanu sida ay wararku sheegeen ku dooday inuu ka tirsanaa garabkii raysalwasaare Farmaajo.