Qaxoontiga Ku Sugan Somaliland Oo Shaahado Sharaf Gudoonsiiyey Shirkada Bukaan Gar-gaar Ee Daawooyinka

0
673

 

gar gaarHargeysa (Geeska) Xaflad lagu xusaayey maalinta qaxoontiga ee caalamiga ah ayaa lagu qabtay Hotel Crwon ee magaalada Hargeysa, xuskaas oo ay ka soo qayb gayb galeen wasiirka arrimaha guddaha, agaasimaha guud ee wasaaradda dib u dejinta, madaxda hay’adda qoxoontiga ee UNICHER, xaqoontiga barakacayaasha ee Somaliland ku sugan iyo dadweyne kale ayaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey shirkada Bukaan Gar-gaar ee daawooyinka.

Shirkada Bukaan Gar-gaar ee daawooyinka waxaa shahado sharaftaas gudoonsiiyey qaxoontiga ku sugan magaalada Hargeysa, gaar ahaana kuwii ka soo qayb galay maalinta qoxoontiga ee la xusay. Waxaanay sheegeen inay shahaado sharafta u gudoon siiyeen kaalinta fir fircoon ee ay shirkada Bukaan Gar-gaar ka qaadatay xaalada qoxoontiga ku sugan gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Qoxoontiga gudoonsiiyey shahaado sharafta shirkada Bukaan Gar-gaar ayaa sheegay in shirkada Bukaan Gar-gaar ay kaalin dooro ka qaadatay taakulaynta dadka jilicsan ee ku sugan caasimada, isla markaana u fidisay wax qabad muuqda oo la taaban karo. Waa markii koowaad ee qoxoontiga ku dhaqan magaalada Hargeysa ay abaal gud u celiyaan qaar ka mida shirkadaha sida tooska ah wax ugu qabtay.

Gudoomiyaha xaqoontiga ku sugan magaalada Hargeysa ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey shirkada Bukaan Gar-gaar, isla markaana ku tilmaamay shirkad dar yeesha bulshada tabaalaysan ee soo bara kacay.