Warbixin Sheegtay In Madaxweye Putin Uu Muddo Ka Hor Dhintay, Madaxweynaha Hadda Ruushkuna Uu Yahay Nin Kale Oo Loo Ekeysiiyey

0
554

1Moscow (Geeska)- Wargeyska Daily Star ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo qaba dareen ah in madaxweynihii Ruushka Vladimir Putin uu sirdoonka Maraykanku kharajiyey sannadkii 2014ka, laguna beddelay shakhsi kale oo u eeg, loona ekeysiiyey.

Wargeyska Daily Star wxa uu sheegay in dadka sidan ku doodayaa ay haystaan xujooyin aaminsanaantooda ay ku xoojinayaan oo ay ka mid tahay isbedello dhinaca muuqa oo ku yimid muuqaalka duleed ee Putin iyo isaga oo marka uu afka Jarmalka ku hadlaya ku margada, halka Vladimir Putin ka asalka ah lagu yaqaannay in uu afka Jarmalka si aad u carrab furan ugu hadli karo, muddo dheer oo uu dalkaas ka soo shaqeeyeyna ka caawisay in uu xitaa carrabkiisu dhawaqa ereyada Jarmalka ah saxo. Arrinta saddexaad ee dadka dooddan qabaa xujada ka dhigteen ayaa ah furitaankii uu Putin furay sannadkaas 2014ka xaaskiisii oo muddo dheer ay wada joogeen, laguna tirin jiray in uu aad u jecel yahay. Waxa ay dadkani qabaan dareen ah in Putin kan aan asalka ahayni xaaskan u furay si aanay u ogaan xaqiiqadiisa.

Wargeyska Daily Star oo dalka Ingiriiska ka soo baxayey tan iyo sannadkii 1978 kii waxa uu warkiisan ku sheegay in dadka sidan aaminsan ay la tahay in Putin ka hadda ka taliya dalka Ruushku uu yahay shakhsi si toos ah ay gacanta ugu hayaan sirdoonka Maraykanka ee CIA,kii runta ahaana la khaarajiyey sannadkii 2014ka kadib markii sun lagu siiyey gudaha aqalka Kremlin ka loo yaqaanno ee dalkaas looga taliyo, taas oo ka dambaysay markii uu Putin uu xoogga ku qabsaday Gasiirad u-eegta Kiriimiya (Crimea) ee hore uga tirsanaan jirtay Georgia kuna dhawaaqay in ay la midowday Russia.

Wargeysku waxa uu sheegay in ay jiraan dad kale oo looga qaateen ah oo iyaguna aaminsan in Putin  afgembi sir ahaa lagaga tuuray xukunka sannadkii 2015kii, taasina ay keentay sababtii aan warbaahinta iyo fagaarayaasha siyaasadda loogu arkin muddo dhan toban maalmood oo u dhexeysay 5 tii illaa 15 kii bishii Maarj ee sannadkaas, xilligaas oo warbaahinta dunidu sababta loo arki waayey ku sheegtay in ay la xidhiidho caafimaadkiisa oo aan fiicnayn. Warbixintan ayaa uu wargeyska The Daily Star ku yidhi, “Putin waxa uu ku dhawaaqay furniinka xaaskiisa sannadkii 2014 ka oo ahayd isla waqtigii ay warbaahinta ku soo baxeen dad qaba dareenkan ah in la dilay; gaar ahaan taariikhyahanka caanka ah ee  Patrick Skriver oo u dhashay dalka Ruushka oo waqti yar dhawaaqa furniinka ka hor sheegay in  Putin lagu dhex dilay guriga Kremlin ka”

Xaaska uu furay Putin oo magaceedu ahaa Lyudmila ayaa uu wargeyska Daily Star ka soo xigtay hadallo yaab leh oo dad badan fahamkoodu ku adkaaday, kuwana u fahmeen in ay taageerayso warka ah in Putin kii runta ahaa aanu hadda joogin, hadalladaas oo ay Lyudmila wargeys Jarmal ah siisay sannadkii 2015kii waxaa ka mid ahaa, “Waxa aan ka xumahay in saygaygii uu dhintay muddo dheer ka hor, waa igu waajib in aan dhimashadiisa dadka oo dhan ka hor qirto, waayo waxa aan awoodi waayey in aan garto  waxa uu ka hadlayo ee uu naftiisa kaga warramo”

Dhinaca kalan taariikhyahnka Patrick Skriver ayaa uu wargeysku ka soo xigtay, “Waa uu dhuuntay qofkii keliya ee awoodi karayey in uu fashiliyo shakhsiyadda Putin ee been abuurka ah” Isaga oo u jeeda xaaskiisa uu furay. Patrick Skriver waxa uu sheegay in Putin ka imiku aanu si carrab furan ugu hadli karin afka Jarmalka, iyad oo la oga in uu afka si faseex ah ugu hadli kari jiray, gaar ahaan markii uu ardayga ka aha dugsiga Saint Petersburg.

Jim Stone oo ah saxafi kale oo isaguna caan ah ayaa isaga oo iska arrintan ka hadlaya sheegay in Putin ka hor markii muddada tobanka maalmood ah la arki waayey sida aynu hore u soo xusny, iyo kadib uu sawirkiisu aad u kal duwan yahay, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Putin ka runta ah madaxiisu qaab ahaan waxa uu ahaa mid aad u wareegsan, san buuran, dibnihiisu ballaadhni xigaan, afkiisun waxoogaa weyn yahay, halka lafta gadhkiisuna uu yuubnaa” ayaa uu yidhi, isaga oo intaas ku sii daray arrin yaab leh oo ah in, “God uu Putin ku lahaan jiray dhabanka aan hadda lagu arkin”

Sida uu ku warramay Wargeysa Daily Star, Putin qudhiisa oo mar warbaahintu wax ka weydiisay wararkan ayaa si kooba ugu jawaabay, “Haddii aanay af-miishaarnimo iyo hadal tiro jiri lahayn, noloshu maad ma’ay yeelateen”