Magaca Muxammed Oo Noqday Magaca Ugu Badan Ee Loo Bixiyo Carruurta Ku Dhalata Israa’iil

0
696

1Tel Aviv (Geeska)- Xafiiska tirokoobyada qaranka ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in magaca Maxamed uu yahay magaca ugu badan ee loo bixiyey carruurta ku dhalata Israa’iil. War ka soo baxay xafiiskan ayaa lagu sheegay in magaca Muxamed uu tan iyo sannadkii 201 5 ka ahaa magaca ugu badan ee laga isticmaalo Israa’iil iyada oo ay soo raacaan labada magac ee Yuhuuddu la baxdo ee kala ah Nawcaam iyo Nawcaah.

Waxa ay warbixintu xustay in sannadkii 2015kii tirada carruurta ku dhalatay Israa’iil ee magacan loo bixiyey ay gaadhay 2630 carruur ah, tirokoobyo lagu sameeyey dadka magacan la baxana waxaa lagu ogaaday in shanti qof ee kasta ee Falastiiniyiinta ku nool gudaha dhulka ay ka dhisantay dawladda Israa’iil mid ka mid ah uu magaciisu yahay Muxammed ama Axmed.

Dhinaca dumarka marka la eegana magaca loogu isticmaalka badan yahay ayaa ah Maryam oo ay la baxaan dumarka Falastiiniyiinta ah ee diinta Islaamka haysa.