Wararkii U Dambeeyay Ee Dagaalada Lagu Hoobtay Ee Ka Socda Dalka Suuuriya

0
560

 

SuriaDimishiq (Geeska/Guardian)- Ciidmada daacada u ah madaxweyen Bashaar Asad ayaa duqeyn cusub ka bilaabay magaalada labaad ee dalkaa Aleppo xaafadeeda Salahedin, inkastoo weli khasaaraha duqeymahaa aan la sheegin, halka guutada Tawxiid ee mucaaradka oo dagaal ka wada magaaladaasi ay sheegeen inay gubeen shan taangi oo ciidamada Asad leeyahiin.

 

Guuto ciidamada Syria ka tirsan iyo hogaamiyahoodii oo ka goostay ciidamada Asad ayaa kooxaha mucaaradka ku wargeliyey duqeymaha ciidamada xukuumadu soo wadaan, sida weriye Guardian ah,

General u dhashay dalka Ruushka, Vladimir Kuzheyey, oo hore ciidamada mucaardku sheegeen inay ku dileen dalka Syria ayaa wakaalada wararka ee Ruuska oo uu la hadlay ku sheegay inuu nool yaha, "Waxaan doonayaa inana cadeeyo inaan noolahay, isla markaana caafimaad qabo."  

Wasiirka warfaafinta Jordan, ayaa xaqiijiyey in Raysal wasaarahii ka soo goostay Syria Riyad Hijab soo gaadhay caasimada, si kasta, hadalka wasiirka inuu maanta soo gaadhay dalka ayaa shaki badan ka dhashay la isku weydiinayo halka uu ku sugnaa raysal-wasaaraha ahore , maadaama xilliguu soo baxsaday ahayd isniintii.

48 Iraaniyiin lagu afduubay Syria ayaa socdaalkooda ka soo kiraystay xafiis duulimaad oo ciidamada ilaalada jamhuuriga Iran lahayd, sida lagu sheegay war uu qoray wargeyska Wall Street Journal. Hore, wasiirka Arrimaha Dibedda Iran, Ali Akbar Salehi ayaa cadeeyey in qaar ka tirsan la-haystayaashu ahaayeen xubno hawl-gab ka noqday ciidmaada ilaalada jamhuuriga Iran.

Zalmay Khalilzad, oo hore u ahaan jiray safiirkii Maraykanka u fadhiyey Afgaanistaan, Iraq iyo Qaramada Midoobay, xilligii madaxweyne Bush, aya asoo jeediyey qodobo maamulka Maraykanku inuu sameeyo khasab tahay xaalada Syria, kuwaa soo kala ah; 1. Magacaabida ergey ka shaqeeya isku duba-ridka xoogaga mucaaradka, sii wadida taageero u raadinta xoogaga ka soo horjeeda Syria, 2. Ka hortaga in wadamada jaarku saamayn ku yeeshaan hubaynta mucaaradka. 3. La gaadhisa is-faham wadamada Ruushka iyo Iran ku saabsan Syria, 4. Inay wada shaqeyn joogto ah kala yeelato golaha amaanka xaalada Syria.